K.Waqooyi: Saldhiga Yongbyon ee Nukliyeerka oo ka Shaqaynaya Sidii kor loogu qaadi lahaa hubkooda nukliyeerka

0
Tuesday September 15, 2015 - 18:16:02 in by Hargeysa Office
  • Visits: 635
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    K.Waqooyi: Saldhiga Yongbyon ee Nukliyeerka oo ka Shaqaynaya Sidii kor loogu qaadi lahaa hubkooda nukliyeerka

    Kuuriyada waqooyi ayaa sheegtay inay kordhisay hawlaha ka socda saldhigaeeda nukliyeerka ee Yongbyon.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kuuriyada waqooyi ayaa sheegtay inay kordhisay hawlaha ka socda saldhigaeeda nukliyeerka ee Yongbyon.

Pyongyang, ayaa sheegtay inay ka shaqaynayso inay horumariso hubkeeda nukliyeerka, ayna diyaar u tahay inay u isticmaasho Maraykanka markii la doono.

Sawirro satelitte ah oo la soo saaray toddobaadkii hore ayaa sheegay inay korortay howlaha saldhiga ka socda.

Hadalka Kuuriyada Waqooyi ayaa yimid maalin kadib markii ay sheegtay inay qorshaynayso inay sateliteyo dirayso, kaasoo sheegaya inay horumarinayso awoodeeda ay ku ridi karto gantaalaha gaara meelaha fog.

Dadka ka faalooda arrimahan ayaa aaminsan, in labada hadal ee soo baxay loogu tala galay in lagu xasuusiyo adduunka awooda milatari ee Kuuriyada Waqooyi.




Mohamed 

Andar

Afkashacabka news

Hargeisa office