"Qaranimada Ayaa Wax Ilaalisee Qofnimo Iyo Qabyaalad Waxba Laguma Ilaaliyo".Afhayeenka Madaxtooyada.

0
Wednesday September 16, 2015 - 08:48:50 in by salman abdi
  • Visits: 699
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Qaranimada Ayaa Wax Ilaalisee Qofnimo Iyo Qabyaalad Waxba Laguma Ilaaliyo".Afhayeenka Madaxtooyada.

    Madaxtooyada Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay muranka Haamaha Shidaalka ee Khilaafka ka dhex abuuray Golaha Wakiilada kaas oo gaadhay gacan ka hadalkii dhexmaray Shir Gudoonka Golahaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxtooyada Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay muranka Haamaha Shidaalka ee Khilaafka ka dhex abuuray Golaha Wakiilada kaas oo gaadhay gacan ka hadalkii dhexmaray Shir Gudoonka Golahaas.

 Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul oo Waraysi Magaalada Hargaysa ku siiyay Wargayska Somalilandtoday, wuxuu hadalkiisa ku bilaabay.

 

 

"Madaxtooyada waxa ka arrimiya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Silaanyo, oo ah hoggaamiye iyo shakhsi noloshiisa intii badnayd u soo huray una hibeeyay ummadda Somaliland ku dhaqan iyo ciiday ku nooshahay bari ilaa galbeedb, Madaxweynahaas waxa saran masuuliyad ka weyn murankan Haamaha ee aad I waydiisay, waxa saaraan horumarinta kaabaysha bulshadu u baahantahay sidu u hirgalin lahaa, haday wadooyin tahay, haday biyo soo saar tahay, haday hagaajinta waxbarashada tahay iyo haday maalgalin tahayba. Waxa fiican inay Siyaasiyiinta dalkan qaarkood iyo Xisbiyada Mucaaridku ka koraan hagardamaynta aan iyagana waxba u kordhinayn dalkana hantaaqada ku ah ee ay ku kala qaybinayaan ummadda. Haamaha Shidaalka wuxuu Madaxweynuhu talada qabtay iyadoo TOTAL haysato, wuxuu u arkay in aanay shacabka iyo dalka dani ugu jirin, haddii Maanta sherkadihii waddanka ugu waa weynaq oo Muwaadiniinta ah, oo waliba ka koobaan Guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland oo dhan, ay yidhaahdeen waanu maal gashanaanayna oo halkay maanta joogaan meel ka mugweyn ayaanu ka dhigaynaa, wax khilaaf keena iyo wax qaylo afka la qabsado mdina meesha may oolin. Madaxweynuhu ma qaadanaayo Haamaha Shidaalka, cid shishiiye ahna kuma wareejinaayo. Dadka leh waa inay dawladdu gacanta ku hayso waa shakhsiyaadka shacbiga khaldaaya, mar kasta dawladda ayaa gacanta ku haynaysa, markasta dawladda ayaa xafidaysa oo ilaalinaysa, markasta dawladda ayaa masuul ka ah oo maa mulaysa, dawladda ayaa muwaadin kasta u damaanad qaadaysa inuu wax ku soo dajin karo kuna shibi karo, Sherkadahani way maal gashanayeen uun, maalgashigu mid dabadeed uun maha ee Muwadiniinta ayaa ugu mudan, waana maandhaydka iyo awooda Xukuumadda, inay hantida dalka kirayn karto ummadana uga faa’iidayn karto. Bakhaarada Injida ee Berbera ee Xukuumaddu kiraysay ee hadda Tijaartu ku jiraan iyo Haamaha Shidaalku isku mid weeye. Horta marka muran jiray iyo wax qaylo laga muujiyo ma aragto Madaxtooyaddu".

 

 

 

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland oo aanu waydiinay inay Xukuumaddu xaq u leedahay kiraynta Haamaha sida hantida kale balse la odhan karo waxa muranka iyo dhaliisha keenay ay tahay in aan la marin guddida Qandaraasyada iyo siday Madaxtooyaddu u aragto hadaladii beelaysnaa ee war baahinta ka baxaayay. Wuxuu yidhi. "Horta dalkan cidba loo doortay shaqadana waa la kala leeyahay, maha inaynu noqono Ummad suuqa iyo maqaaxiyaha iska xukunta, taasi waxay keenaysa fawdo, haddii Golayaasheenu wixii shaarica ku shaqeeyaan oo sidaa ayaa la yidhi ku go'aan qaataan. Sherkadaha soo codsaday waxay ahayeen kuwii shidaalka keeni jiray ee ugu waa weynaa, oo xogogaal u ah Haamaha Shidaalka, waana dad Muwadiniin ah oo lexejeclo dalka ka hayso, qaabka ay Xukuumaddu u qaybisayna waa mid guud ahaan ay ku dhanyihiin Gobolada dalku, Guddida Qandaraasyadu waa Waax kamid ah Xukuumadda, ninka ku xoqonaaya haduu masuul Xisbi yahay iyo hadduu Xildhibaan yahayba waa muran u jeed, haddu Ixtiraam iyo kalsooni mujinaayo waxay ahayd inuu Xukuumadda oo dhan Ixtiraamo, oo iyadu dalka ka masuulka ah ee waliba waxtarka intaas leeg u qabatay shacbiga, dalkeenu markii ugu horeysay tariikhda dawladihii soo maray oo dhan Xukuumadan ayaa isku xidhay Magalooyin aan waligood isku xidhmin oo malayin doolar Xukuumaddu ku dhistay, in kabadan 70 Riig biyood ayay Xukuuadda Madaxweyne Silaanyo dalka ka qoday, haday wax qaadanayso ama lunsanayso maxay taas u qaadan wayday, meel mawada galaan Musuq Maasuq iyo horumarku, marka dad gaara oo aan dalkan u danayn ayaa waxaas waday oo fawdada guul u haysta, Qaranimada ayaa wax ilaalisa ee qofnimada iyo Qabiilku waxba ma ilaaliyaan waxbana kuma dhawr maan. Mida xaqiiqda ahina waxa weeye dalkani Beelo walaalo ah wuu ka koobanyahay, dhammaan beelahaasi waxa dhex u ah Qaranimada, meelna mawada galaan Qabiil iyo Qaranimo, beel meel ka xigta beel kale ma jirto nin Madax ah oo meel kamid ah dalka Somaliland loogu hanjabi karaana ma jirto, kuwa waxaas guusha ka dhiganaaya iyo abtirsiinyo loo kala yeelo shacbiga waa qaar tariikhdu xusi doonto. Madaxweyne Silaanyo wuxuu haybada alle ugu barakeeyay isku wadka ummadda oo uu markasta noloshiisa ka shaqaynaayay oo calaamad u ahayd, maha qofku inuu dantiisa hoose dalka dhibaato u soo gaadhsiiyo, dhulkan Somaliland illahay cidda ku dhaqan wuu ku wada abuuray ilaa Qiyaamahana way ku dhaqnaanayaan marka kuwa waxaas wada, haday Xisbiyada Mucaaridka yihiin iyo haday cidda gaar gaar ah yihiinba oo meelo sheeganaysa Guul ku gaadhimayaan, Shacabkuna wuu ogyahay Muqaalka Isbadal ee Madaxweynuhu dalkan ku sameeyay, Maalintii uu Talada Qabtay siday Berberi u eekayd waa la wada garanayaa maantana isbadalka horumar ee ku yimi, haday Madaar tahay, iyo haday Deked tahay iyo haday Magaalada tahayba waa miday shacbigu ogyihiin.”

 

 

Ugu danbayntii Afhayeenka madaxtooyada oo la waydiiyay in dhaliishu dhinaca Madaxtooyada tahay oo debecsaan badan oo ka muuqata keentay qaylad lagaga horyimaado wixii maalgashi sheegta ee ay Xukuumaddu wado, wuxuu kaga jawaabay.

 

"Maya Madaxweyne Axmed Silaanyo waa masuul haybad iyo dulqaadka waligii u saxiib aha, waxa qaylada laga maqlaana maha shacbiga ee waa shakhsiyaadkaas iyo dad kooban oo shar wadayaal ah, kuwaas Xukuumaddu maha qaar ka dabri kara geediga horumarineed ee dalkan ay ka wado waxna ka waydiin mayso, wixii waajibkeeda ahna cidna ka baryimayso Xukuumaddu oo way qabsanaysaa waajibka ay ummadda u hayso, bulshada Somaliland way ogyihiin wixii u dan ah iyo waxay u qabatay Dawladdu.