Muhaajiriin ku Xayiran Xudduudda Dalalka Serbia iyo Hungary

0
Wednesday September 16, 2015 - 11:07:58 in by Hargeysa Office
  • Visits: 660
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muhaajiriin ku Xayiran Xudduudda Dalalka Serbia iyo Hungary

    Wasiirka arrimaha dibadda dalka Serbia ayaa ugu baaqay mas'uuliyiinta Dalka Hungary in ay oodda ka qaadaan Muhaajiriinta tirada badan ee ku xayiran xudduudda labada dal si ay u sii wataan safarkooda ay ku doonayaan in ay ku galaan Waddamada kale

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Serbia ayaa ugu baaqay mas'uuliyiinta Dalka Hungary in ay oodda ka qaadaan Muhaajiriinta tirada badan ee ku xayiran xudduudda labada dal si ay u sii wataan safarkooda ay ku doonayaan in ay ku galaan Waddamada kale ee Reer Yurub.


Nebojsa Stefanovic waxa uu sheegay in xal u helidda dhibaatada qulqulka muhaajiriinta ay tahay mid u taala waddamada reer Yurub, dalkiisuna uusan awoodin in uu qaado kaligii culeyska qaxootiga.

Hungary ayaa xirtay dhammaan marinada aan rasmiga ahayn , waxa ayna ganaax adag ku soo rogtay muhaajiriinta isku dayaya in ay dalkeeda ku soo galaan sharci darro.

Qaar badan oo ka mid ah dadkaasi qaxootiga ah ayaa walaac ka muujiyay xiritaanka haatan la xiray marinadii ay ka gudbi jireen ee dalkaasi Hungary.