Injineer Lagu Diley Muqdisho

0
Wednesday September 16, 2015 - 11:20:03 in by Hargeysa Office
  • Visits: 704
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Injineer Lagu Diley Muqdisho

    Injineer dhinaca dhismaha ah oo Qandaraasyo ka qaadan jirey dowladda Soomaaliya iyo Shirkado kale, ayaa ku dhintay qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Injineer dhinaca dhismaha ah oo Qandaraasyo ka qaadan jirey dowladda Soomaaliya iyo Shirkado kale, ayaa ku dhintay qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa, ayaa ka dhashay kadib markii  gaari uu la socdey Injineer Siidow Cismaan Cali loogu xirey waxyaabaha qarxa, islamarkaasina uu ku qarxay agagaarka buunada Ansalooti ee degmada Xamar Jajab.

Guddoomiyaha degmada Xamar Jajab Axmed Cismaan Dhoorre, ayaa VOA u sheegay in weerarkaasi aysan cid kale wax ku noqon.

Waxa uu Dhoorre sheegay in Injineerka la bartimaameedsaday uu ka qeyb qaatay dhismooyin dhowr ah oo magaalada Muqdisho laga hergaliyay, isagoo ahaa Injineerkii dib u dhiska ku sameeyay xarrumo ay ka mid yihiin Daljirka Dahsoon, xarrunta gobolka Banaadir iyo dhismayaal kale.

Ma jirto cid si deg deg ah u sheegatay inay weerarkaasi ka dambeyso, hasa yeeshee kooxda al-Shabaab, ayaa weeraro noocani ah ka geystey meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya.