
MARWADA QARANKA W/Q KHADAR IBRAHIM
Aduunyadan aan ku nool nahay waxaa la isku qadariyaa oo la isku maamusaa guulaha aad ka gaadhay noloshaada iyo mida aad ku soo kordhiso bulshadaada, taasina waa ta bulshadu horumar ku gaadhi karto hadiise aan la hanbalyayn qofka mutaysta waligeen kob caano leh ka soo biyo cabi mayno.
Sikasta oo ay ahaataba waxaa dhaqan u ah in cid walba oo hormar iyo guulo la taaban kara hiigsanaysa in loo hanbalyeeyo oo lagu dhiiri galiyo wax qabadkaa uu qabtay si ay ugu noqoto miqiyaas uu ku cabiro waxqabadkiisa iyo sida loogu riyaaqsan yahayba, hadaba waxaan la iska indho tiri Karin waxqabadka la taaban karo ee ay ku talaabsatay marwada Madaxwaynaha Aamina maxamed Jirde ( Aamina Waris ).
Marwo aamina waa siyaasiyad weyn waxaana markhaati ah taariikhdeeda iyo doorka wayn ay ku lehayd guushi madaxweyne axmed maxamed maxamuud iyo xisbiga Kulmiye doorashadi 2010, iyo xidhiidkeedii hay’adaha dalka ingriska iyo caalanka kale,Iyada oo tusaale u noqotay marwooyinka kale ee Jabuuti in ay ku daydaan oo ay ka eegtaan waxqabadkeeda, taasina waa ta keentay in aan ku soo qaado talaabada hormarka leh ee ay marwo aamina gaadhay.
waxaa somaliland soo maray marwooyin ka horeeyey marwo aamina oo dhamaantood in doora hayay xilkaasi balse aan ka tagin shay kaliya oo lagu xasuusto oo dhaxal gal u ah dadwaynahah amaba soo jiita indhaha bulsho waynta reer somaliland, xataa iska daa soo jiidashe ee qofna muu soo hadal qaadi jirin, waa hoyada dhabta ah ee dadwaynaha reer Somaliland wada dhugtaan oo ay afka ka qaadi waayaan hormarka balaadhan ee ay ku talaabsatay gabadhii ugu horaysay ee mayor dalka ka noqota iyadoo u jeexday tobiyo suuban oo mayorada ka danbeeyaa ku hiran doonaan oo ay is waydiin doonaan maxaa lagugu xasuustaa ee aad soo kordhisaa???..
Haddaan jaleecno waxqabadyada taariikhiga ah ee lagu xasuusan doono marwo aamina oo mudo ku dhow sannado yar gudahood waxa ka mida kor u qaadka iyo horumarinta dhinaca siyaasadda haweenka reer somaliland oo wakhtiyadii hore aan wax awooda ku lahayn ka qayb galka arrimaha siyaasadda, ayaa imika waxaad markiiba dareemaysaa horumarka haweenka sameeyeen,iyo doorka ay ku leeyihiin hada kuraasta iyo xilalka ay ka hayaan dawladda.
sidoo kale waxay dumarka Jabuuti ay sameeyeen horumar badan, waxaanay qayb libaax kaga jiraan horumarka Xukuumadda talada haysa,waxaanan aad ugu faraxaysaa hada kaalinta ay haweenku ka qaataan golayaasha kala duwan ee dawlada somaliland sida wasaaradaha, golaha degaamada iyo dhinacyada kala duwan ee adeegyada bulshada sida, ganacsiga, waxbarashada, Jaamacadaha, caafimaadka iyo wax kasta oo horumar u ah bulshada somaliland.
Sidoo kale waxa iswaydiin leh guusha intaa leeg muxuu ku gaadhay madaxwaynuhu,yaa se sabab u ah xagayse ka timi maskax kasta oo fayow,caafimaad qabtaa markiiba way garanaysaa,kolkuu dib u yara milicsado tabihii iyo farsamooyinkii taariikhda lahaa ee uu kursiga madaxtinimada ku hantahay marka laga yimaado tiisa gaar ka ah,sidaa daraadeed qof kasta oo danaynaya jirtaanka qarannimada Dawladda Somaliland.
Guul Somaliland
W/Q Khadar Ibrahim A
Khadar338@hotmail.com
MARWADA QARANKA W/Q KHADAR IBRAHIM
Marwo aamina waa siyaasiyad weyn waxaana markhaati ah taariikhdeeda iyo doorka wayn ay ku lehayd guushi madaxweyne Siilanyo