Xildhibaan Nuux Maxamed Xuseen Oo ka Mid Ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Burco Ayaa Maayirka Degmada Burco Ustaad Maxamed Muraad Ku Tilmaamay Mid Mudan In Taalo Loo Dhiso Isagoo Ku Sababeeyey Wax Qabadka Balaadhan Ee Uu ka Hirgaliyey Magaalada Burco

Xildhibaanka Ayaa Waxa Uu Sheegay In Maayirka Burco Uu Dawlada Hoose Keenay Micdaadkii Ama Qalabkii Ugu Horeeyey Ee Aan La Isticmaalin Oo Toos Uga Yimi Dalalka Sameeya Waxa Uu Sheegay Inaanu Maayirku Lahayn Dhaliil Lunsi Ah Balse Lagu Dhaliili Karo Wadooyinka Dhiman Ee Loo Baahanyahay In Lasameeyo

Xildhibaanka Ayaa Intaasi Ku Daray In Maayirka Degmada Burco Uu Wadooyin Ka Hirgaliyey Magaalada Kuwaasi Oo Tayadoodu Sarayso "Waa Maayirkii Ugu Horeeyey Ee Burco Ka HIrgaliya Wadooyin Tayo Leh Tanyo Wakhtigii SIyaad Bareā€¯Ayuu Yidhi Xildhibaan

Waxaa Kale Oo Uu Xildhibaan Nuux Sheegay In Maayirku Sare U Qaaday Dakhliga Dawlada Hoose Markii Uu Yimi Kaasi Oo Hada Kusoo Laba Jeer Noqonaaya Intii Uu Markii Hore Ahaa

Xildhibaanka AYaa Ka Difaacay Maayirka Eedo Loosoo Jeediyey Kuwaasi Oo KU Saabsanaa Inuu Maayirku Lunsaday Lacago Waxaana Uu Sheegay In Dakhliga Dawlada Hoose Laga War Hayo Isla Markaana La Ogyahay Halka Uu Ku Baxo Isagoona Sheegay In Dakhligu Uu Ku Baxo Mushaharka SHaqaalaha Iyo SHidaalka Isagoo Arimahaasi Ka Hadlaaya Waxa Uu Yidhi Xildhibaanku "Dakhligayagu Ma Dhaafo Mushahar Iyo Shidaal Taasoo Bil Walba Dayn Dawlada Hoose Lagu Leeyahay Dakhligana Hadaanu Sare U Qaadin Maayirku Dawlada Hoose Way Xidhmi Lahayn

Sidoo Kale Waxa Uu Xildhibaanka Ka Sheekeeyey Wax Qabad Tiro Badan Oo Uu Maayirka Ka Gaystay Magaalada Kuwaasi Oo Ay Ka Mid Yihiin Guryaha Loo Dhisay Danyarta Caawinta Dhalinyarada Iyo Shaqadii Loo Igmaday Ee Ahayd Horumarinta Magaalada Oo Aanu Maayirku Waxba Kala Hagran


Contact@afkashacabka.com