Maxaabiis ka Baxsaday Goor Dhoweyd Xabsiga Hargeysa iyo Dadweyne Waddada Marayey Oo Gacanta u geliyey Ciidanka 2 Maxbuus oo ka mid ah Maxaabista Baxsanayey

0
Sunday April 20, 2014 - 15:49:41 in by salman abdi
  • Visits: 894
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaabiis ka Baxsaday Goor Dhoweyd Xabsiga Hargeysa iyo Dadweyne Waddada Marayey Oo Gacanta u geliyey Ciidanka 2 Maxbuus oo ka mid ah Maxaabista Baxsanayey

    Saddex Maxbuus ayaa abaaro 2:30-kii duhurnimo ee Maanta ka baxsaday Xabsiga dhexe ee Caasimadda Hargaysa, kuwaasoo lagu War helay Rasaas ay adeegsadeen oo ay kaga baxeen dhismaha Xabsiga dhexe, iyadoo ay llaalada jeelkuna ay isku dayeen inay Rasaas k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saddex Maxbuus ayaa abaaro 2:30-kii duhurnimo ee Maanta ka baxsaday Xabsiga dhexe ee Caasimadda Hargaysa, kuwaasoo lagu War helay Rasaas ay adeegsadeen oo ay kaga baxeen dhismaha Xabsiga dhexe, iyadoo ay llaalada jeelkuna ay isku dayeen inay Rasaas ku joojiyaan.


Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay dhinaca Xabsiga dhexe iyo Taliska guud ee asluubta midkood-na, hase yeeshee warar lagu kalsoon yahay ayaa warbaahinta qaar u xaqiijiyey in Shan Maxbuus ka baxsadeen Xabsiga dhexe ee Magaalada Hargaysa, kuwaasoo la sheegay inay ridayeen Rasaasta Baastoollada, iyadoo ay dhinaca kalena Ilaalada Xabsigu ku joojinayeen Rasaas, waxaana wararku sheegayaan in Shantaas maxbuus ay banaanka uga soo baxeen Xabsiga dhexe, isla markaana ay dibada rasaas isku waydaarsadeen Ciidanka Ilaalada Xabsiga dhexe.

 

ilaa hada lama xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay dhacdadaas, hase yeeshee warar aan la xaqiijin ayaa waxay sheegayaan inay Dhimasho iyo Dhaawac-ba uu jiro, inkastoo wax weliba ay ku xidhan yihiin Masuuliyiinta Xabsigu marka ay arrintaas tafaasiil dheeraada ka bixiyaan.

Warku waxa uu intaas ku daray in Shantaas maxbuus oo dibada yaacaaya, isla markaana Rasaas ridaaya ay dad shacab ah oo Macalimiin u badani gacanta ku dhigeen, balse waxa ka baxsday oo hada lagu daba jiraa laba ka mida Shantii maxbuus ee isku dayey inay baxsadaan, iyadoo gacanta loo geliyey Ciidanka Ilaalada Xabsiga dhexe ee Magaalada Hargaysa





Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com