Naadiga Halkaraan oo Xalay Buuggii ugu Qiimaha Badnaa ku soo Bandhigay Burco iyo Masuliyiin ka Qaybgashay+SAWIRO

0
Saturday September 19, 2015 - 19:51:13 in by salman abdi
  • Visits: 652
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Naadiga Halkaraan oo Xalay Buuggii ugu Qiimaha Badnaa ku soo Bandhigay Burco iyo Masuliyiin ka Qaybgashay+SAWIRO

    Maayarka Magaalada Burco, Aqoonyahano iyo Culimo awdiin ayaa Xalay ka qaybgalay Munasibadda Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Halkaraan xalay ku soo bandhigayey Buuggii ugu horeeyey si waafiya uga hadla arrimaha Bulshada la haybsoco ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maayarka Magaalada Burco, Aqoonyahano iyo Culimo awdiin ayaa Xalay ka qaybgalay Munasibadda Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Halkaraan xalay ku soo bandhigayey Buuggii ugu horeeyey si waafiya uga hadla arrimaha Bulshada la haybsoco ...

iyo taariikhda dhabta ah ee Bulshadaasi, waxana buuggaasi oo kaalinta koowaad ka galay tartan shirkadda sagljet u qabatay qorayaasha dhalinyarada ah.

Buuggaasi oo magaciisa la yidhaa DIRSOOC ayuu si waafiya u sharaxay Qoraa Maxamed Ismaciil Cali oo ah qoraaga Buugga iyo Qoraa Jamaal Bullaale oo soo akhriyey Buuggaasi.

Duqa Degmada Burco Maxamed Muraad, Guddomiyaha Jamacadda Addis Cali Cashuur, Gudomiye kuxigenka Jamacadda NAJAAX Dr. Xasan Sh Cali Warsame, Guddomiyaha Hay’adda Dacwadda ee ALKARAM Sh. Saleebaan,Hal abuuro iyo Madaxda Naadiga Halkaran ayaa ka dareen celiyey Bandhigga Buuggan iyo sida looga bixi karo dhibta lagu hayo bulshadaasi, waxayna talooyin u soo jeediyeen Bulshada la haybsooco, Qoraaga iyo Bulshada kale ee wax hayb soocda.

Gebogabadiina Waxa halkaasi su’aalo lagu waydiiyey Qoraaga Buugga, isagoo si waafiya uga jawaabay, waxa iyagana su’aalo hal xidhaalayaal ah oo lagu guddoonsiinayey buugaag halkaas lagu waydiiyey marti sharafta ka soo qaybgashay xafladda.