Booliska Magaalada Oslo Oo Toogtay Hooyo Degenayd Dalkaas Oo U Dhalatay Somaliland.

0
Saturday September 19, 2015 - 21:37:33 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Magaalada Oslo Oo Toogtay Hooyo Degenayd Dalkaas Oo U Dhalatay Somaliland.

    Booliska magaalada Oslo ee dalka Norway ayaa toogtay Hooyo Somaliland dhalasho ahaan ka soo jeeda xili ay ku sugneyd gurigeeda dhexdeeda, kadib markii Booliska lagu wargeliyay in ay khatar gelisay ilmo yar oo ay dhashay, balse warar kala duwan ayaa k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska magaalada Oslo ee dalka Norway ayaa toogtay Hooyo Somaliland dhalasho ahaan ka soo jeeda xili ay ku sugneyd gurigeeda dhexdeeda, kadib markii Booliska lagu wargeliyay in ay khatar gelisay ilmo yar oo ay dhashay, balse warar kala duwan ayaa kasoo baxayaa eedeyntaasi.

Mid ka mid ah dhalinyaradii Soomaalida ee degan Magaalada Oslo oo ka waramaya qaabku falkani u dhacay ayaa sheegay in hooyadu ay mindi gacanta ku haysatay xiligii la tooganayay, balse isaga iyo dhalinyaro kale ay isku dayeen in ay ku qanciyaan hooyadaasi in ay mindida dhigto.

"Markii aan daaqada guriga ugu dhacnay, oo aan aragnay gabadh yar oo qol dhex fadhida, waxaa indhaheenu qabteen hooyada oo balakoonka dhaqeysa, gacantana ku haysatay Mindi” ayuu yidhi goob jooge ahaa.

Wiilkaasi wuxuu sheegay in hooyadani markii ay aragtay in dad aanay aqoon oo gurigeeda soo galay kuwaas oo ahaa dhalinyaro Soomaali ah ay kula soo carartay mindi hase yeeshee ay Booliiska waceen, waxaana markiiba goobta soo gaadhay Seddax askari oo mid ay haweeney aheyd, halkaasina ay Hooyadii guriga lahayd rasaastii koowaad ku rideen iyagoo ku qeylinaya istaag.

image

"Markaan galnay guriga ee gabadhii aan soo kaxaynay kadib ayaan u laabanay guriga, noomana muuqaan qof ilmahaas inuu dilo raba, laakiin annaga markay na aragtay ayey aniga igu dhirbaaxday mindida iyadoo igu cabsiineysa, kuna qeylineysa qof aanan aqoon siduu gurigeyga u soo gali karaa, kadibna waxaan maqalnay rasaasta oo Boolisku iska soo hor mariyeen, iyadoo ka haleeshay caloosha, dhulkana ku dhacday wakhtigaas oo ay ku qeylineysay Laa-ilaaha Illalaahu” ayuu yidhi goob joogahaas oo indhihiisa ku arkaayay hooyadaasi markii la tooganayay.

Gabadhan ayaa dhaawaceeda loola cararay isbitaalka Ullevol ee magaalada Oslo, waxayna rasaastu ka haleeshay caloosha. Dadweyne fara badan oo u badnaa Soomaali ayaa isugu soo baxay goobta falkaani uu ka dhacay gelinkii danbe ee Jimcihii, geesta kale Haweenaydan Booliska Norway toogteen waxay dhalasho ahaan ka soo jeeda Waddanka Jamhuuriyadda Somaliland.



Contct@afkashacabka.com