"Nolol Kasta Oo Quus Iyo Rajala'aan Ah Waxa Loo Badali Karaa Guul & Gallad" Wasiirka Madaxtoyada JSL.

0
Monday September 21, 2015 - 10:16:33 in by salman abdi
  • Visits: 744
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Nolol Kasta Oo Quus Iyo Rajala'aan Ah Waxa Loo Badali Karaa Guul & Gallad" Wasiirka Madaxtoyada JSL.

    Wasiirka Wasaarada Madaxtoyada JSL Md: Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka qabgalay munaasibad lagu sagootinayey dufcadii 11 ee ka qalin jabisa dugsiga al-jasiira iyo bandhiga buug ay qoreen ardayda jaamacada Gollis .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaarada Madaxtoyada JSL Md: Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka qabgalay munaasibad lagu sagootinayey dufcadii 11 ee ka qalin jabisa dugsiga al-jasiira iyo bandhiga buug ay qoreen ardayda jaamacada Gollis .


Wasir Xirsi ayaa labadaasi munaasibadood ku faahfaahiyay qoraal kooban oo uu ku bahiyay bartiisa Facebook-ga waxanu yidhi "Waxay ahayd galabta kadib markaan ka qayb-galay munaasbad isugu jirta sagootinta dufacdii 11aad ee ka baxday dugsiga sare ee Aljazeera iyo bandhiga buugaag ay qoreen ardayda dugsigaas wax ka barata oo ka qabsoontay hoolka jaamacada Gollis ee caasimada Hargeysa.
Munaasabada ayaa intii ay socotay waxaa ardayda lagala hadlayey dhinacyada; doorashada kuliyad ku haboon xirfada ay xiiseeyaan, u adkaysiga dedaalka dheer ee ay u galayaan waxbarasho naftooda iyo dalkoodaba ay ku anfacaan iyo ku kalsoonaanta Allahii uurka hooyadood ku arzaaqi jiray.

Waxaan ardayda ku booriyey in ay dedaal adag u galaan sidii ay u xaslan lahaayeen cilmi anfaca oo dalka iyo diintaba ay kor uugu qaadaan isla markaana ay xasuusnaadaan in horumarka iyo guushaba qof keliya dhalin karo.
Waxaan ardayda ku hogol-tusaaleeyey wiilka reer Somaliland ee Cabdisamad ee caalamka tusay in si walba oo ay noloshu kuu tusto rajo la’aan iyo quus loo bedeli karo guul iyo gallad isla markaana saxaafada dunidu tusaalaha uugu soo qaadatay dedaalka iyo dhabar adayga iyagoo ciwaan uuga dhigay "From Somaliland to Harvard” "Ka yimi Somaliland ilaa Harvard”, taasi oo caalamka tustay in hibbada iyo maskax furnaantu meel walba dunida laga heli karo balse fursada oo keliya tahay mida marmar aan kuu ogolaan sidaas darteedna la rabo in qofku fursada ka faa’idaysto oo uu naftiisa ku qalabeeyo cilmi.wwww

Dedaal joogto ah, samir aan quus lahayn, ku kalsoonaan Rabbi iyo ka go’naan dhamaystiran kadib Cabdisamad wuxuu qalinkiisa ku tagay jaamacad kamida kuwa dunida la majiirto!
Waxaan sidoo kale farta uugu fiiqay sida isku-dayga iyo dedaalku muftaax uugu noqday wiilka 14-sano jirka ah ee Axmed ee saacad uu isku dayey in uu sameeyo dhaxalsiisay in uu noqdo qaan-gaadhka uugu hadal haynta badnaa maalmihii lasoo dhaafay saxaafada dunida ilaa ay dhaxalsiisay in Madaxweynaha dalka uu jooga ee USA uu kulan sharafeed uu ku casuumo aqalka cad ee dalkaas looga arimiyo "White House”
Arimahan oo dhan ayaan rajaynayaa in ay ardayda u noqoto dhiirigalin tusaysa in fursada is-bedelka noloshoodu maalin uun iman doonto balse ay tahay in ay maalintaas ku hubaysan yihiin hubka aqoonta oo ay fursadaas ka faa’idaystaan.
gebogabadii Munaasbada ayey maamulka dugsigu igu maamuseen shahaado sharaf ay igu xuseen inaan dhismaha dugsiga garab buuxa la barbar joogsado xiliyada adag.
Ardayda reer Somaliland ee dal iyo debedba jooga waxaan u rajaynaa in ay helaan cilmi noloshooda anfaca dalkoodana ay ku anfacaan”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtoyadu .