Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud Oo Sheegay In Xukuumada Somaliland Ay Qayb Ka Tahay Qorshaha Looga Wada-tashanayo Aayaha Siyaasadda Somaliya.

0
Monday September 21, 2015 - 16:49:27 in by Hargeysa Office
  • Visits: 639
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud Oo Sheegay In Xukuumada Somaliland Ay Qayb Ka Tahay Qorshaha Looga Wada-tashanayo Aayaha Siyaasadda Somaliya.

    Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud Oo Sheegay In Xukuumada Somaliland Ay Qayb Ka Tahay Qorshaha Looga Wada-tashanayo Aayaha Siyaasadda Somaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud Oo Sheegay In Xukuumada Somaliland Ay Qayb Ka Tahay Qorshaha Looga Wada-tashanayo Aayaha Siyaasadda Somaliya.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Xukuumada Somaliland uu Qayb ka yahay Qorshaha looga Wada-tashanayo Aayaha Siyaasadda Somalia, isagoo xusay in meel fiican ay marayaan wadahadaladii horay u socday.


Xasan Sheekh ayaa Sheegay in Fikir ahaan Somaliland ay Howshan billaabatay Qayb ka tahay, wuxuuna tilmaamay sida duruufaha ugu ogolaadaan ay uga mid noqon doonaan.

"Wadatashiga billowday waan u dhannahay waana wax ay Soomaalidu leedahay, Dabcan Walaalaheen Somaliland mabda’a ahaan waa ka mid howshan. Hadaba, wixii fursad ah ee aan u helno ayay uga mid noqonayaan iyo sidii ay noogo aq-bali lahayeen ka qayb-qaada-shadooda,” ayuu ayuu yiri Xasan Sheekh.


Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa soo hadal Qaaday Wahadalladii horay ugu dhexeeyay Somaliland iyo Dowladda Somalia wuxuuna xusay in meel fiican ay marayaan, isla markaana hada loo gudbayo waji cusub.

"Meel wanaagsan ayay marayaan wadahadalladii hadda ayay waji cusub u gudbi doonaan, balse wadahadalka hadda socda mar walba waxaan diyaar u nahay in aan kawada shaqeyno wixii Shacabka Soomaalida dan u ah,” ayuu mar kale yidhi Madaxweyne Xasan.


Dhanka kale Madaxweynaha Somalia oo ka hadlayay muranka hada ka dhex-jira dowladda Federaalka iyo Maamul-goboleedyada dalka ayaa xusay in wax-yaabaha Qaar la isla fahmi waayo ay dib u dhiganayaan, ayna xilli kale kawada hadli doonaan.


Xasan Sheekh ayaa sheegay in shirka wadatashiga ah ee ka furmay Muqdisho uu qof kasta oo Soomaali ah looga baahan yahay inuu fikirkiisa iyo taladiisa ku daro, haddii mid fiican uu noqdana la qaadan doono.

Afkashacabka news