Roob Lixaad Leh Oo Ka Da,ay Magaalada Oo Burco Oo Khasaare Gaadhsiiyey Guryo Iyo Garoonka Kubada Cagta Ee Burco.

0
Monday September 21, 2015 - 22:43:53 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Roob Lixaad Leh Oo Ka Da,ay Magaalada Oo Burco Oo Khasaare Gaadhsiiyey Guryo Iyo Garoonka Kubada Cagta Ee Burco.

    Burco(Afka):Roob Xoogan Ayaa abaaro 5tii galabnimo ee maanta ka da,ay Magaalada Iyo iyagoona ay socdeen ilaa 6dii fiidnimo, Roobkani oo ahaa Mid watay Dabaylo Xoogan ayaa Khasaare Gaadhsiiyey Guryo ku yaala magaalada Isagoona ka qaaday saqafkii sare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco(Afka):Roob Xoogan Ayaa abaaro 5tii galabnimo ee maanta ka da,ay Magaalada Iyo iyagoona ay socdeen ilaa 6dii fiidnimo, Roobkani oo ahaa Mid watay Dabaylo Xoogan ayaa Khasaare Gaadhsiiyey Guryo ku yaala magaalada Isagoona ka qaaday saqafkii sare ama Jiigdaha Guryahani oo isugu jira Guryo Hore iyo Qaar hada Dhismahoodu Socdo.


Roobkani Laxaadka Badan ee ka da,ay magaalada burco galabta ayaa sidoo kale khasaare Gaadhsiiyey Garoonka Kubada Cagta ee ALAMZY oo uu dumiyey qayb ka mid ah xayndaabka ama gaydhka Garoonka.

Wararka Afkashacabka.com Ka Helayso Xaafada Cali xuseen oo ka mid ah xaafadaha magaalada ayaa sheegaya in iyana uu gaadhsiiyey Roobkani Khasaare Guryo Jiingado ah oo ku yaala Xaafadaasi Waxaana sidoo kale roobkani uu khasaare gaadhsiiyey Dugsiga Faarax Suusle oo ka mid ah dugsiyada hoose dhexe ee magalada oo uu isagana Jiingada Sare ka qaaday Galaasyo ka mid ah dugsigaas.

Kala Soco Shabakada Caalamiga Ah EeAfkashacabka. Wararka ka soo Kordha Roobkani laxaadka Leh Ee Ka Da,ay magaalada


Contact@afkashacabka.com