Daawo Afkashacabka Tv:Sheekh Aaden Siiro Oo Deeq Raashin Ah Oo Lagu Soo Hagaajiyey Gaadhsiiyey Xarunta SAHAN

0
Monday September 21, 2015 - 23:01:22 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Afkashacabka Tv:Sheekh Aaden Siiro Oo Deeq Raashin Ah Oo Lagu Soo Hagaajiyey Gaadhsiiyey Xarunta SAHAN

    Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aaden Siiro) oo ka mid ah culimada Somaliland ayaa Maanta deeq raashin ah gaadhsiiyey xarunta SAHAN ee lagu hayo dadka dhimirka ka xanuunsanaya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aaden Siiro) oo ka mid ah culimada Somaliland ayaa Maanta deeq raashin ah gaadhsiiyey xarunta SAHAN ee lagu hayo dadka dhimirka ka xanuunsanaya.

Deeqdan Raashinka ah oo ka kooban 104 haaf oo isugu jira Daqiiq, Bariis iyo Sonkor ayaa waxa dadka lagu hayo xarunta SAHAN ee Magaalada Hargeysa ugu soo tabarucay isla-markaana Sheekh Aaden Siiro ugu soo hagaajiyey dad Muxsiniin ah oo uu wakiil ka ahaa Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud.

"Waxaanu xarunta SAHAN ku wareejinaynaa deeq Raashin ah oo dhan 104 haaf, iskuguna jira Bariis, Daqiiq iyo Sonkor, waxaana deeqda Raashinka ah lacagteeda ku soo tabarucay walaalaha jooga London, lacagtana waxa ku qornaa Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud, inkasta oo dad badan oo khayrka jecel oo reer Somaliland ahi lacagta (Bixinteeda) kula jiraan oo ay soo wada direen. Waxaanu leenahay walaalaha lacagta deeqda ah soo diray ILLAAHAY ha idinka abaal-mariyo, waayo waa Sadaqo jaariya, waxayna ku anfaceysa maalinta dadku qaawan yihiin (Qiyaamaha)..” ayuu yidhi, Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud oo intaa ku daray isla-markaana baaq u diraya dadka kale inay kaalintooda ka geystaan xarunta SAHAN "Dadka Damiirka leh waxaanu leenahay xarunta SAHAN waxay ka mid tahay xarumaha u baahan in Zekada la galiyo, markaa waxa lagama maarmaan ah in culimada iyo Tujaarta kaaliyaan, xukuumadda oo dadka lagu hayo xaruntan masuul ka ahi ay kaaliso ayaa lagama maarmaan ah”

 

Sheekh Aaden waxa uu ILLAAHAY caafimaad uga baryey Guddoomiyaha xarunta SAHAN, Bashiir Maxamed Jaamac oo dalka Hindiya u tagey xaalad caafimaad, isagoo Sheekhu sheegay in xaaladdiisu wanaagsan tahay.

Kayse Xasan Cumar oo ka mid ah masuuliyiinta xarunta SAHAN ee lagu hayo dadka qaba xanuunada dhimirka, ayaa isaguna ka mahad celiyey deeqdan Raashinka ah ee loogu soo tabarucay "Waxaanu aad u amaaneynaa Sheekh Aaden Siiro oo ku suntan waxqabadka arrimaha khayriga ah, waxa kale oo aan u mahad-naqeynaa dadka soo diray deeqdan Raashinka ah, waxaanuna leenahay Sheekh Aaden waanu ka guddoonay Raashinkii aad ugu talo-gasheen xarunta SAHAN, ILAAHAYNA ha idinka abaal-mariyo”.

Maaha markii koowaad ee xarunta SAHAN la gaadhsiiyo deeq noocan oo kale, balse khayrka jecel ayaa mar walba xaruntaasi ka war haya isla-markaana soo gaadhsiiyo wixii ay awoodaan:-

Contact@afkashacabka.com