"Xasan Sheekh Waxaan Leeyahay Riyo Maalmeedka Ka Toos Jamhuuriyadda Somaliland Waa Qaran 25 Jirsaday Oo Xor Ahe"

0
Tuesday September 22, 2015 - 09:31:30 in by salman abdi
  • Visits: 731
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Xasan Sheekh Waxaan Leeyahay Riyo Maalmeedka Ka Toos Jamhuuriyadda Somaliland Waa Qaran 25 Jirsaday Oo Xor Ahe"

    Xukuumadda Somaliland, ayaa si adag uga jawaabtay hadal ka soo yeedhay Hor-joogaha Maamulka Muqdisho Xasan Sheekh Maxamuud.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Somaliland, ayaa si adag uga jawaabtay hadal ka soo yeedhay Hor-joogaha Maamulka Muqdisho Xasan Sheekh Maxamuud.

kaas oo ku dooday in ay Somaliland qayb ka tahay shir wada tashi oo Maamullada Somalia uga qabsoomay Magaalada Xamar.

Wasiirka Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), oo shalay shir Jaraa’id Xafiiskiisa ku qabtay waxa uu luuqad adag kula hadlay oo kaga jawabay hadalka ka soo yeedhay Madaxweynaha Maamulka Muqdisho ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, waxaanu kula taliyey wax uu Riyo ku tilmaamay in uu ka baxo. hadimadeeda kaga mashquulilahaa oo Jaarnimaddai iyo wadda dhalashadda labadda shacab ee Somaliland iyo Somalia-na loo baahan yahay in aan la carqaladeynin.

Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo arimahaasi ka hadlayey waxa uu yidhi "Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey kulan ay iskugu yimaadeen isaga iyo masuuliyiinta maamul goboleedada Somalia ayaa sheegay in shirkooda iyo nuxurka ka soo baxaya ama u jeedadiisaba ay mabda ahaan Jamhuuriyadda Somaliland qeyb ka tahay sidaasi ayuu sheegay , waxaanu idiinku yeedhnay oo kaliya in shirka uu ka hadlayo, doorashooyinka iyo marxaladda Somalia mareyso iyo Jamhuuriyadda Somaliland in aanu ka hadalo ayaanu idiinku yeedhnay oo kaliya, wax cusub maaha oo waad og tihiin in Jamhuuriyadda Somaliland ,maanta way 25 jirsatay oo waa 25 jir waana dawladda taamka ah ee iskeed u taagan ee gaarka ah ee hogaankeedii iyo nidaamkeedii dawladnimo ay dhameystiran yihiin ee ay udhan yihiin”

Wasiir Cukuse wuxu ku daray intaasi "Kolka aniga oo aan hadal kale badanin Xasan Sheekh iyo saaxiibadiisa ay wax wadaagaan ee dalkoodu ka dhaxeeyo ee ay shirayaan, waxaan ugu yeedhaynaa waar waad og tihiin Jamhuuriyadda Somaliland inay tahay dal madaxbanaan oo jira Somalia-na aan qeyb ka aheyn oo 25 sanno ka hor ayeynu dawlad isku mid ahaan jiray balse maanta ma jirto , anaga oo Xasan Sheekh Ixtiraameyna raga kula fadhiya ee aad dalka wadaagtaan wax la qabso oo riyada ka bax oo runta u guur oo waxaad u guurta dalkaaga Somalia ee baahida u qaba in aan dawladdnimada u sameyso taa dawladdnimo u sameyso oo waxaanu kugu yeedhaynaa oo aanu si ixtiraam leh kugu yeedhaynaa in aanad naftaadana diidsiinin inay Jamhuuriyadda Somaliland tahay dawlad dhan oo jirta oo aad jaar tihiin walaalnimaddana waanu ogo lahay , waana run oo hawadda hadaladdu way inaga dhexeeyeen oo way inoo socdeen oo inay wadda hadaladaasi inoo socdaana waxba kama qabno si runta loogu gaadho oo ay labada shacbi iyo labadda dawladdood noqdaan walaalo dhiig ka dhexeeyo oo dhaqan ka dhexeeyo derisnimona ka dhaxayso , kolka madaxweynaha somalia ee xasan sheekh waxaan leeyahay riyo maalmeedka ka toos jamhuuriyadda somaliland waa qaran 25 jirsaday oo xor ahe.”