Nin Naafo ahaa Shan Sano Ayaa Dareenkiisina Dib u Helay kadib marki Qalab lagu Xidhay

0
Friday September 25, 2015 - 17:25:15 in by Hargeysa Office
  • Visits: 664
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Naafo ahaa Shan Sano Ayaa Dareenkiisina Dib u Helay kadib marki Qalab lagu Xidhay

    Nin naafo ahaa, ayaa dib u awooday in uu lugahiisa ku socdo, isagoo adeegsanaya aalad aqrisa maskaxdiisa, sida ay seynisyahanadu sheegeen. Hirarka maskaxda, ayaa lagu turju

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin naafo ahaa, ayaa dib u awooday in uu lugahiisa ku socdo, isagoo adeegsanaya aalad aqrisa maskaxdiisa, sida ay seynisyahanadu sheegeen. Hirarka maskaxda, ayaa lagu turju

may kombuyuutar, kaasi oo kaddib xukumaya dareenka murqaha lugaha.

Cilimi baaristan Mareykanku sameeyay, ee lagu qoray wargeyska cilmiga farsamada caafimaadka iyo soo celinta awoodaha muuqda, ayaa muujinaya in ruuxa lagu sameeyay tijaabada uu awooday socodka afar mitir oo lagu taageeray.

Qubarada, ayaa sheegay in la helo isu dheelitirnaanta, in ay tahay arrinta u baahan in wax laga qabto.

Dhaawaca ku yimaada lafdhabarta, ayaa maskaxda ka celiya inay hesho dhambaalada. Si kasta ha ahaatee, maskaxda, ayaa weli awood u leh inay fariimo abuurto, waxayna, lugaha awood u leeyihiin, inay helaan fariimahaasi.

Baarayaasha jaamacadda California, ayaa u adeegsaday kombuyuuterka maskaxda in lagu dhaafo dhawaca, nin shan sano lugaha naafo ka ahaa.

Dr Mark Bacon oo ka tirsan hey'ad cilmi baaris ku sameysa laf dhabarta, ayaa Warbahinta u sheegay, inay tani tahay wajigii ugu horeeyay daraasad xiiso leh lagu sameyay..