"waxay Xukumadu Waxay Dananaysa Cidkasta Oo Kabaha Dhaqaale Kor Uqaadaysa" Wasiirkua Duulista Somalilanda

0
Monday April 21, 2014 - 20:21:50 in by salman abdi
  • Visits: 781
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "waxay Xukumadu Waxay Dananaysa Cidkasta Oo Kabaha Dhaqaale Kor Uqaadaysa" Wasiirkua Duulista Somalilanda

    Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawadda Iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi Ayaa Dalka Ku Soo Dhaweeyey Laba Sarkaal Oo Ka Socday Shirkada ENOC Ee Imaaraadka Laga Leeyahay Kuwaas Maanta Ka Soo Degay Madaarka Cigaal International Air

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawadda Iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi Ayaa Dalka Ku Soo Dhaweeyey Laba Sarkaal Oo Ka Socday Shirkada ENOC Ee Imaaraadka Laga Leeyahay Kuwaas Maanta Ka Soo Degay Madaarka Cigaal International Airport.

10258935_1470336416516978_7794576469377557494_n10292149_1470336383183648_2330349534973876805_n

Wasiir Maxamuud Xaashi Oo Si Kooban Uga Hadlay Socdaalka Ganacsatadani Ayaa Yidhi " Sharaf Weyn Ayey Inoo Tahay Inaynu Soo Dhawayno Walaaladeen Ka Socda Shirkada ENOC, Iyo Masuuliyiinta Shirka Aflax Ee Somaliland, Tani Waxay Ka Markhaati Kacaysaa Inay Somaliland Tahay Wadan Degsan Oo Ku Haboon Maalgashi Iyo Inay Jiraan Fursado Dhaqaale, Taas Oo Aynu Inaguna Nahay Dad Iyo Dal U Furfuran, Waxa Ay Muujinsaa Sida Uu U Kobcado Dalka Somaliland Iyo Sida Loo Danaynayo Ganacsigiisa, Maalgashu Waa Wax-Yaabaha Wadamada Horumariya, Dalkeenuna Wuxuu Leeyhay Tansiilaad Faro Badan, Dalkeenuna Juqurfaafiyan Wuxuu Leeyahay Goob Ku Haboon, Oo ALLE Inagu Beeray, Waxaynu U Baahanay Inay Horumarino.”

Wasiir Maxamuud Xaashi Ayaa Sidoo Kalena Intaasi Ku Daray " Xukuumadana Waxay Ahmjiyad Weyn Siinaysaa Sidii Kaabayaasha Dhaqaale Sare Loogu Qaadi Lahaa, Sidii Loo Dhiiri Galin Lahaa Ganacsata , Sidii Loo Dhiiri Galin Lahaa Dadka Ajaanibka Ah Ee Dalka Maalgashanaya, Taasi Waxay Sare U Qaadaysaa Dhaqaalaheena, Waxana Laga Helayaa Shaqooyin, Markaas Waa Dan Ay U Baahan Yihiin, Inaguna Aynu U Baahan Nahay.” Ayuu Yidhi Md. Maxamuud Xaashi.


Afkashacabka.com
Hargaysa/Office
Officeact@afkashacabka.com
cont