Liibiya : Hogaamiyihii Kooxda Ka Ganacsatada Tahriibta Ee Loyaqaan Magafe Oo La Dilay+Sawiro.

0
Sunday September 27, 2015 - 18:00:45 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Liibiya : Hogaamiyihii Kooxda Ka Ganacsatada Tahriibta Ee Loyaqaan Magafe Oo La Dilay+Sawiro.

    - Qoraal kusoo baxay Warsidaha Theguardian, ayaa lagu xaqiijiyay in weerar qorsheysnaa lagu Kharijiyay Hogaamiyaha shabakadaha Tahriibka Libya Salah al-Maskhout oo ay soomaalida u taqaan "Ma gafe" iyo Xubno kala shaqeynaayay Tahriibinta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

- Qoraal kusoo baxay Warsidaha Theguardian, ayaa lagu xaqiijiyay in weerar qorsheysnaa lagu Kharijiyay Hogaamiyaha shabakadaha Tahriibka Libya Salah al-Maskhout oo ay soomaalida u taqaan "Ma gafe" iyo Xubno kala shaqeynaayay Tahriibinta.


Hogaamiyaha Mukhalasiinta Tahriibka ayaa la qaxiijiyay in lagu dilay Howlgal qorsheysnaa oo maalinimadii Jimcihii ka dhacay inta u dhexeysa Saxaraha iyo Xuduudka Libya xili uu Magafe ku howlanaa baaritaanka wadooyin cusub oo ay maalmihii danbe adeegsanayeen Muhaajiriinta Africaanka ee u socdaala dalalka Yurub.

Magafe

Xiliga la dilaayay Magafe ayaa waxaa wehlinaayay 8 xubnood oo isaga kala shaqeyn jiray Tahriibka kuwaasi oo iyaguna qoraalka lagu xaqiijiyay inay la dhinteen Hogaamiyaha shabakadaha Tahriibka.
Hadal heynta ugu badan ee iminka taagan ayaa ah in Howlgalka lagu dilay Magafe iyo Xubnihii la socday ay fuliyeen Ciidamo ajaanib ah oo aan la faramuuqin ilaa iyo hadda waxa ay yihiin.

maqade

Saraakiisha Ciidamada Badda Talyaaniga ayaa sheegay in Al-Maskhout uu howlgalkan ku dhintay balse dad qaraabadiisa ah waxa ay sheegeen in uu ka bad-baaday weerarkaasi qorsheysnaa.
Salah al-Maskhout oo ay Soomaalidu u taqaan ‘’Magafe’’ ayaa saaxada Tahriibka kusoo biiray tan iyo markii Somalia ay soo galeen Ciidamada Ethiopia oo ay sii korortay Tahriibka Soomaalida.

magafe2

Warbixintaani uu daabacay Wargeyska Theguardian, ayaa kusoo beegmeysa xili laba bil ka hor dowladaha Midowga Yurub ay soo saaren warbixin ah inay beegsan doonaan Hogaamiyayaasha Tahriibka ee sababta u ah qulqulka Muhaajiriinta Africa.
ISHA Theguardian

 


Contact@afkashacabka.com