Daawo"Garsoorihi Kiiski wuu laalay waxanu yidhi maxkamada gobolka uma xidhna, garsoorkana uma xidhna, cadaaladana uma xidhna waxaanay ku xidhan yihiin sifo sharci daro ah" Laabsaalax

0
Tuesday September 29, 2015 - 15:35:09 in by salman abdi
  • Visits: 966
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo"Garsoorihi Kiiski wuu laalay waxanu yidhi maxkamada gobolka uma xidhna, garsoorkana uma xidhna, cadaaladana uma xidhna waxaanay ku xidhan yihiin sifo sharci daro ah" Laabsaalax

    Hargeysa(AFKA):-Gudoomiyaha kooxda xidigaha Geeska Xasan Saleebaan Dhuxul ayaa ka hadlay xubnihii ka mid ahaa kooxda xidigaha ee xidhnaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA):-Gudoomiyaha kooxda xidigaha Geeska Xasan Saleebaan Dhuxul ayaa ka hadlay xubnihii ka mid ahaa kooxda xidigaha ee xidhnaa.


Gudoomiye Xasan Saleebaan Dhuxul oo waramay qaar kamdia Warbaahnta  shabakada Hadhwanaagnews.com ayaa waxa uu shaaca ka qaaday inay maxkamada gobolka Maroodi Jeex sheegtay inaan xadhiga fanaaniintani aanu waafaqsanayn sharciga isla markaana amartay in la soo dhamaystiro gal dacwadeeda loo haysto fanaaniintan.

Ugu horayn Xasan Saleeban Dhuxul ayaa waxa uu ka hadlaya markii maxkamada gobolka Maroodi jeex la keenay fanaaniintan iyo wixii ay kala kulmeen waxaanu yidhi "Saaka waa la keenay maxkamadii gobolka ka dibna markii dacwadooda la eegay xaakimkii waxa uu yidhi xadhigoodu xalaalba maaha laba qodob dartood marka koowaad waxa uu yidhi markii hore waaran looma soo gayn sifo sharci daro ahna waa loo qabtay marka labadna waxa lagu soo oogay gal dacwadeed dhamaystiranba maaha, sawir ayaa la wada Photo Shop lagu sameeyey oo la lahaa Xamda Queen ayaa calankii somaliya huwatay waxaanu yidhi waxaasi kiis maaha waanu laalay waxaanu yidhi maxkamada gobolka uma xidhna, garsoorkana uma xidhna, cadaaladana uma xidhna waxaanay ku xidhan yihiin sifo sharci daro ah, iyada oo garsoorihii sidaas yidhi ayaa hadana la celiyey iyaga oo katiinadaysan, waana arin nasiib daro ah.”

 

Gudoomiye Xasan Saleebaan Dhuxul oo aanu waydiinay waxa jira in fanaaniinta saaka la keenay maxkamada iyaga oo katiinadaysan ayaa waxa uu yidhi "Dhab ayey ahayd oo way katiinadaysnaayeen qaabka loola dhaqmayeyna waxay ahayd qaab aad u adag laakiin waanu ka tashanaynaa koox ahaan go,aan cad iyo meel cadna waanu ka istaagaynaa.”

Dhinaca kale waxa uu sheegay in wasiirka arimaha gudaha somaliland ay u xidhan yihiin fanaaniintani waxaanu yidhi "Wasiirka arimaha gudaha ayaa arinkan dabada ka riixaya waxaanan leeyahay wasiir caqliga iyo garashada ku siin wayday xayawaanka baahinta ah ee libaaxa ah inaad xoriyadiisa siiso oo aad maqsin yar oo afar mitir ah ku xidhay mudo todoba todoba sano ah iyada oo aanu dhinacna u dhaqaaqi Karin, cadaalada aad libaax u samayn wayday miyaad u samayn kartaa dadka, waa maya waana nasiib darooyinka dalka ka jirta.”

Sidoo kale waxa uu xadhiga fanaaniintan ku eedeyey xubno ka mid ah xukuumada waxaanu mar kale yidhi "Cida ay u xidhan yihiin si cad noogumay sheegin laakiin waa wasiiradaas arimaha gudaha iyo warfaafinta, wasiir Cukuse waanu wada hadalnay waxaanan u sheegay inuu umada u sheego inaanay dadkani shaqaale ahayn laakiin waxa warbaahinta ku qornaa inuu ka gaabsaday oo uu yidhi arintaas kama hadlayo” Ayuu yidhi