Beesha Makaahiil Isaaq OoQadacday Ka Qayb-galka Shirweynaha Xisbiga Kulmiye.

0
Monday April 21, 2014 - 21:58:37 in by salman abdi
  • Visits: 1047
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha Makaahiil Isaaq OoQadacday Ka Qayb-galka Shirweynaha Xisbiga Kulmiye.

    Beesha Makaahiil Isaaq Oo Ka Mid Ah Beesha Sacad Muuse Ayaa Sheegtay In Ay Qaadacaday Ka Qayb-Galka Shirweynaha Kulmiye, Cidii Beesha Ah Ee Ka Qayb Gashana Tallaabo Ay Ka Qaaddi Doonaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Beesha Makaahiil Isaaq Oo Ka Mid Ah Beesha Sacad Muuse Ayaa Sheegtay In Ay Qaadacaday Ka Qayb-Galka Shirweynaha Kulmiye, Cidii Beesha Ah Ee Ka Qayb Gashana Tallaabo Ay Ka Qaaddi Doonaan.

Waxa Kale Oo Ay Hoosta Ka Xariiqeen In Ay Beeshu Iskugu Iman Doonto Shir Ay Ayaahooda Kaga Tashanayso, Sidaasina Waxay Ku Sheegen Shirjaraa’id Oo Ay Ku Qabteen Magaalada Hargeysa.

Ugaas Maxamed Cabdilaahi Oo Ah Ugaaska Beesha Makaahiil Oo Ugu Horeyn Halkaasi Ka Hadlay Ayaa Sheegay In Beeshu Ka Tashan Doonto Ayaheeda, Isaga Oo Intaasi Ku Daray In Ay Ku Khasaareen Xisbiga Kulmiye Oo Uu Beesha Siiyay Cad Quudheed.

"Ummadu In Ay Xaqeeda Ka Hadasho Waajib Ayey U Leedahay, Dulmi In Uu Qofku Qaato Ma Ah, Imika Waxaynu Ka Hadlaynaa Xisbiga Kulmiye, Xisbiga Kulmiye Maalintii La Aasasay Illaa Maanta Nafta Inagaga Baxday Sida Umada Kaleba, Xisbiga Kulmiye Markii Doorashadii Hore Ee Madaxtooyada Laga Helay Illaa Intii Tanbe Ee Uu Ku Guuleysanayey Kursiga Intaaba Mucaaridbaynu La Ahayn, Beesha Makaahiil Dhibaato Adag Ayaa Ka Soo Martay, Wakhtigii Aynu Mucaaridka Ahayn, Runtii Waa Nasiib Darro In Wiixi Aynu Intaas Oo Dhan Ku Soo Tabcaynay In Aynu Maanta Cad Quudheed Layna Siiyo Umaynaan Qalmeyn, Dadka Waxa Kali Ah Ee Deeqa Waa Cadaalad, Xisbiga Kulmiye Waxeeni Waynu Ka Weynayn Wuu Ina Dulmay, Cadaalado Darru Inagu Sameyey, Shacbigii Soos Aaray Ayuu Kala Godobsaday, Beeshenu Xisbiga Kulmiye Waxay Siisay Codkii Ugu Badnaa, Lakiin Maanta Beesha Makaahiil Waxa Ka Nasiib Badnaaday Kuwii Ridayey, Marka Beesha .”Ayuu Yidhi Ugaas Maxamed Cabdilaahi

Suldaan Maxamuud Siciid Oo Ah Suldaanka Guud Ee Beesha Makaahiil Oo Isaguna Halkaasi Ka Hadlay Ayaa Baaq U Diray Guud Ahaan Dadweynaha Beeshasi Ku Abtirsada In Ay Isku Yimadaan Kulan Ay Ayahooda Kaga Tashanayan, Waxa Kale Oo Uu Nasiib Darro Ku Tilmaamay Qaybta Yare E Beesha La Siiyey, Waxa Uu Yidhi. "Waxanu Shirkan Jaraa’iid U Qabanay, In Aanu Ku Qaadacno Ka Qaybgalka Shirweynaha Kulmiye Iyada Oo Beesha Makaahiil La Siiyey Waxaan U Qalmin, Waxa Kale Oo Aan Diidanahay Ragga Wasiirada Ee Kulmiye Ee Beesha Sacad Muuse Waxa U Qaybiyey, Beesha Makaahiil May Helin Waxa U Qalba, Raga Qaybta Noo Qondeyey Waanu Ognahay, Aniga Oo Suldaanka Beesha Makaahiil Ah Waxan Leeyahay Beeshu Shir Hayskugu Timaado Ay Aayaheeda Kaga Tashanayso”.Ayuu Yidhi

Dhanka Kale Waxa Iyaguna Halkaasi Ka Hadlay Xaaji Yuusuf Xaaji Cabdilaahi, Iyo Axmed Calin Gaas Waxayna Sheegeen In Beesha Makaahiil Aya Ka Tashanayso Ayaheeda Oo Ay Kulmiyena Ku Hungawday, Waxa Kale Oo Ay Hoosta Ka Xariiqeen In Beeshu Siddii Ay Ugu Listay Aanu Kulmiye Ugu Hagar Bixin.

Afkashacabka.com
Hargaysa/Office
contact@afkashacabka.com