Xukuumadda talada haysa ee xisbiga KULMIYE, ayaa ka hadashay muhiimadda ugu jirta Somaliland safar Madaxweyne Siilaanyo ugu baxay dalka Jamhuuriyadda Ireland ee qaaradda Yurub.
La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha hay’adaha caalamiga iyo kuwa maxalliga ah Mr. Cabdifataax Siciid Axmed, ayaa sheegay in socdaalkan ay Somaliland ka heli karto faa’iido siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba, kadib marka Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisu la kulmaan Madaxweynaha Ireland Mr. Michael D. Higgins, madax kale iyo ururro caalami ah oo ka tirsan dalkaasi.
Mr. Cabdifataax Siciid Axmed oo isagoo ku sii jeeda dalka Ireland ka dhoofay madaarka diyaaradaha ee Hargeysa shalay si uu ugu gogol-xaadho weftiga Madaxweynaha Somaliland oo hadda ku sugan waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa waxa uu tafaasiil kaga bixiyey socdaalka Madaxweyne Siilaanyo ee Ireland iyo shirarka uu yeelan doono.
"Socdaalkaygu waxa uu gogal-xaadh u yahay safarka Madaxeynaha Somaliland iyo weftiga uu hoggaaminayaa ku tagayo dalka Ireland ee qaaradda Yurub oo uu muddo saddex maalmood ah kulamo iyo shirar la yeelanayo madaxda iyo qaybaha kala duwan ee dawladda Ireland, waxaannu Madaxweynuhu la kulmi doonaa Madaxweynaha waddankaasi, Wasaaradda Arrimaha Dibadda, wasiirro iyo ururro caalami ah oo ay ka mid yihiin; Enterprice Ireland iyo hay’adda gargaarka ee World Vision of Ireland.
Waxa kaloo muhiimad weyn leh oo Madaxweynuhu la kulmi doonaa laba nin oo xildhibaanno ah oo midkood noqonayo Ra’iisal-wasaaraha Ireland doorashada bisha February sannadka 2016,” ayuu yidhi Cabdifataax Siciid, waxaannu intaasi raaciyey, "Ballamaha kulamada Madaxweynaha Somaliland la yeelan doono madaxda iyo qaybaha kala duwan ee Ireland waxay bilaabmayaan 6 ilaa 8-da bisha foodda inagu soo haysa ee October. Markaa anigu waxaan ka sii horreynayaa weftiga Madaxweynaha oo hadda ku sugan dalka Imaaraadka Carabta oo ay ka ambabixi doonaan maalinta Axadda ee soo socota.”
Mr. Cabdifataax oo la waydiiyey faa’iidada ugu jirta Somaliland safarka Madaxweynuhu ku tagayo Ireland iyo madaxda uu kala kulmi doono, waxa uu yidhi, "Muhiimad wayn ayuu soo kordhinayaa safarkani, waayo waxaynu la kulmaynaa Madaxweynaha Ireland oo aan weligeed hore u dhicin. Waxa kaloo Madaxweynaha Somaliland la kulmi doonaa ra’iisal-wasaaraha mustaqbalka dhaw ee dalka Ireland oo isbarasho ina dhexmarayso. Markaa booqashadani waxay keenaysaa faa’iidooyin badan ha noqoto maalgashi caalami ah oo Somaliland hesho ama in dalka Ireland innagala shaqeeyo ololaha ictiraaf raadinta madaxbannaanida Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.”
"Waxa kaloo Madaxweynuhu arki doonaa jaaliyadda reer Somaliland oo qiyaastii tiradoodu tahay ilaa afar boqol qof, kuwaas oo ay iska xog-waraysan doonaan xaaladda dalka, horumarka iyo waxqabadka xukuumaddu samaysay iyo kaalinta qurba-jooggaba,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee arrimaha hay’adaha Cabdifataax Siciid Axmed.
Contact@afkashacabka.com
Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Faa'iidada Ku Jirta Socdaalka Madaxweynaha Ee dalka Ireland
Xukuumadda talada haysa ee xisbiga KULMIYE, ayaa ka hadashay muhiimadda ugu jirta Somaliland safar Madaxweyne Siilaanyo ugu baxay dalka Jamhuuriyadda Ireland ee qaaradda Yurub.