
Group A: Ronaldo Oo Goolkiisii 500-aad Dhaliyay Kulan Madrid Guusha Ka Heshay Malmo Iyo PSG Oo Ka Tilaabsatay Shakhtar
Real Madrid ayaa guusha kaga qaadatay 2-0 naadiga Malmo FF ee ka dhisan dalka Sweden waxaana goolashakulankan dhaliyay Cristiano Ronaldo.
Ronaldo sidoo kale wuxuu dhigay rikoor kale madaama uu bar bareeyay rikoorka halyee Raul oo ah laacibka ugu goolasha badan taariikhdka Real Madrid.
Ronaldo ayaa daqiiqadii 29-aad gool ku daah furay kulankan waxaana caawinaad ka geestay Isco dabcan goolkan wuxuu ahaa midkii 500-aad ee uu Ronaldo dhaliyo.
Kooxda Malmo FF ayaa kulankan 10-cayaaryahan ku dhameesatay qaybtii labaad markii kaarka cas laga siiyayYoshimar YotĂșn daqiiqadii 78-aad.
Kulankan oo dhamaad ku dhow Ronaldo ayaa goolkiisii labaad dhaliyay daqiiqadii 90-aad waana goolka uu rikoorka ku dhigay haatana dhanka goolasha guud ee kooxda Real Madrid kala simay halyee Raul.
Real Madrid ayaa guusha ku qaadatay 2-0 waxayna leedahay 6-dhibcood ayadoo guuleestaya labada kulan oo ay cayaartay qaybta A.
Dhinaca kale PSG oo dalka Ukraine u safartay ayaa 3-0 guusha kaga qaadatay naadiga Shakhtar waxayna Paris haatan leedahay 6-dhibcood ayay ku dhibco ah Real Madrid.
Kooxda PSG goolasha waxaa u dhaliyeen labada daafacSerge Aurier daqiiqadii 7-aad iyo David Luiz daqiiqadii 23-aad halka goolka 3-aad uu iska dhaliyay daafaca naadiga ShakhtarDarijo Srna daqiiqadii 90-aad.
Group A: Ronaldo Oo Goolkiisii 500-aad Dhaliyay Kulan Madrid Guusha Ka Heshay Malmo Iyo PSG Oo Ka Tilaabsatay Shakhtar
Cristiano Ronaldo ayaa hadal heynta qaybta A ee koobka horyaalada Yurub la wareegay madaama uu xidigan dhaliyay goolkiisii 500-aad tan iyo markii uu bilaabay cayaarista kubada cagta.