
Manchester United Oo Si Dhib Badan Kaga Badisay Wolfsburg Kulan Mata & Smalling Ay Shabaqa Gaareen
Manchester United ayaa gaartay guusheedii ugu horeysay xagaagan koobka horyaalada yurub iyadoo haatan dhanka dhibcaha barbaro la ah PSV iyo CKA Moscow.
Manchester United ayaa si fiican ku bilowday iyadoo kaashaneysa Jamaahiirteeda madama ay gurigeeda ku ciyaareysay halka Wolfsburg ay digtooni kaga jirtay weerarka United.
Daniel Caligiuri ayaa hogaanka u dhiibay Wolfsburg daqiiqadii 4-aad ee ciyaarta markii kubad si fiican looga soo shaqeeyay lagu siiyay xerada ganaaxa si fiican ayuuna u daba mariyay goolhaye De Gea.
Manchester United ayaa kubad fiican dhistay iyadoo kubad farta laga saaray Juan Mata, xidigaan reer Spain ayaa kubad qurux badan oo awood leh ku tuuray goolka balse Dante ayaa madax ku saaray daqiiqadii 13-aad ee ciyaarta.
Wayne Rooney ayaa qasaariyay fursad uu goolka barbaraha ugu dhalin karay kooxdiisa kadib markii uu hawada sare mariyay kubad uu si fiican uga soo shaqeeyay Anthony Martial daqiiqadii 26-aad ee ciyaarta.
Memphis Depay ayaa ku guuldareystay inuu barbaro u keeno Manchester United markii uu madaxeeyay kubad hadiyad aheyd oo uu ka helay Juan Mata.
Juan Mata ayaa ku qasbay xidigii dhaliyay goolka hogaanka u dhiibay WolfsburgDaniel Caligiuri inuu gacanta ku taabto kubad isagoo ku jira xerada ganaaxa, rigoore ayaana lagu abaalmariyay Manchester United.
Juan Mata usoo istaagay inuu rigoorada tuuro isaga ayaana barbaraha u keenay Manchester United daqiiqadii 34-aad ee ciyaarta dhinac qaldan ayuuna u diray goolhayaha.
Qeybtii hore ciyaarta ayaa lagu kala maray barbaro 1-1 ah iyadoo labada kooxood ay soo bandhigeen ciyaar qurux badan.
Qeybtii labaad ayaa la isku soo laabtay Ashley Young ayaana badal kusoo galay bilowgiiba iyadoo Valencia qolka labiska lagu badalay.
Matteo Darmian ayaa soo badbaadiyay kubad halis ku noqon kartay Manchester United oo u baahneed kaliya in goolka lagu taabto daqiiqadii 47-aad ee ciyaarta.
Cris Smalling ayaa hogaanka u dhiibay Manchester United daqiiqadii 53-aad ee ciyaarta markii uu dhameystiray kubad uu si cajiib leh ciribta ugu soo caawiyay Juan Mata.
Daniel Caligiuri ayaa u dhawaaday inuu barbaro u keeno Wolfsburg daqiiqadii 54-aad markii uu kubad awood leh la beegsaday goolka balse De Gea ayaa iska saaray.
Andre Schurrle ayaa u dhawaaday inuu barbaro u keeno Wolfsburg kaliya isagoo garoonka ku jira wax ka yar shan daqiiqo si fiican ayuu uga xariiftamay Blind balse geesta ayuu mariyay iyadoo De Gea uu daawanayay daqiiqadii 70-aad.
Wayne Rooney ayaa soo badbaadiyay kubad ay macquul aheyd iney dhalato balse uu goolhaye De Gea jihada kubada isku tuuray daqiiqadii 76-ad waxeyna aheyd halisteeda.
Wolfsburg ayaa sameysay dadaalo xoogan oo ay ku doonysay iney gool barbaro ah ku keensato iyadoo wax badan cadaadis saartay goolka Manchester United balse kuma guulysan iney hesho.
Natiijada ciyaarta ayaa noqotay iney kusoo dhamaato 2-1 ay guusha ku raacay Manchester United, waxeyna habeenkaan u aheyd Ingiriiska habeen fiican.
Dhanka kale CSKA Moscow ayaa guuldaro lama filaan ah dhabarka u saartay PSV Eindhoven iyadoo ku dubatay 3-2, kooxda reer Ruush ayaana qeybtii hore 3-0 ku marsiisay, PSV qeybtii dambe wey dadaashay balse dadaalkii ayaa ku dheeraaday haatan dhamaan afarta kooxood ee Group B waa isku dhibco aan kala goolal badneen.
Manchester United Oo Si Dhib Badan Kaga Badisay Wolfsburg Kulan Mata & Smalling Ay Shabaqa Gaareen
Laba Gool oo ay kala dhaliyeen Juan Mata iyo Cris Smalling ayaa u sahlay Manchester United iney si dhib badan ku dhaafto Wolfsburg ciyaar ka dhacday Old Trafford.