
Maayir Ku Xigeenka Casimada Somaliland Oo La Kulmay Dhigiisa Magalada Bristol+Sawiro
Maayir Bristol 2 Shirkan oo ay soo abaabushay si weyna ay uga soo shaqaysay Xildhibaanada Hibaq Jamacoo Somaliland asal ahaan u dhalatay kana tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Bristol ayaa waxaa si weyn loogu lafao-guray sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka labada magaalo ee Bristol iyo Hargeysa.
Xildhibanada Hibaaq Jaamac ayaa iyaduna aad ugu dheeraatay in Bristol ay waajib ku tahay inay caawiso Hargeysa iyo mee kasta oo dunida ka mid ah oo gacan loo fidin karo, waxaanay tilmaantay in Danta Bristol iyo danta UK ay ku jirto inay caawiyaan Somaliland iyo guud ahaan dalalka afrika si loo abuuro Nolol tayo leh oo ay dadkoodu ku noolaadaan intii ay Tahriibta halista badan ay isku soo halaagi lahaayeen.Mayor ku Xigeenka Caasimada Hargeysa Xildhibaan Cabdicasiis Cagoweyne ayaa tilmaamay in Socdaalkiisu uu ahaa sidii loo sii xoojin lahaa Xidhiidhka qotoda dheer ee u dhexeeya labada Shacbi ee Somaliland iyo Britain iyo sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka magaalooyinka Somaliland iyo kuwa UK. Waxaana uu ka codsaday in Magaalada Bristol ay gacan ka geysato arrimaha baahiyaha ay u qabaan sida Biyaha, Arrimaha Caafimaadka iyo Arrimaha Dab-demiska. waxaana uu tilmaamay in kulankiisa Bristol uu yahay kii labaad ee uu ku yimaado Bristol.
Mayor Xigeenka Bristol oo kana Wakiil ahaa Mayorka magaalada oo fasax ku maqnayd ayaa sheegay inuu aad iyo aad ugu faraxsan yahay in Bristol uu kusoo booqdo Mayor Xigeenka Hargeysa, waxaana uu tilmaamay inuu aad usoo dhawaynayo, waxa kale oo uu tilmaamay in wax kasta oo Suurto gal ah ay la qaban doonaan Somaliland. waxaana loo ballamay in la dejiyo barnaamuj cad oo la raaco si loo ogaado baahiyaha u badan ee jira iyo sida wax looga qaban karo.
Socdaalka Shaqo ee Mayor Xigeenka Caasimada Hargeysa uu ku joogo Dalkan UK ayaanu ugu talo galnay inuu abuuro Xidhiidho qoto dheer oo dhex mara Magaalooyinka Dalkeena iyo Dalkan UK iyo guud ahaan Wadamoo kale oo Yurub ah.
Contact@afkashacabka.com
Maayir Ku Xigeenka Casimada Somaliland Oo La Kulmay Dhigiisa Magalada Bristol+Sawiro
Mayir ku Xigeenka Caasimada Somaliland Xildhibaan Cabdicasiis Cagoweyne oo uu Weheliyo Safiirka Wareega ee Somaliland Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed iyo xubno ka tirsan hormuudka Jaaliyada magaalada Bristol ayaa maanta la kulmay Madaxda Golaha Deegaa