Daawo: Habeenka Burco iyo Halbuurka Caanka ee Weedhsame +Sawiro

0
Friday October 02, 2015 - 15:55:35 in by Burco Office
  • Visits: 1231
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Habeenka Burco iyo Halbuurka Caanka ee Weedhsame +Sawiro

    Burco(AFKA)Abwaan Xasan Daahir ismacil Weedhsame ayaa Xalay madal Ballaadhan oo uu soo qaban qaabiyey Naadiga HALKARAAN kula Caweeyey Boqolaal ka mida Dhalinyarada Burco i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco(AFKA)Abwaan Xasan Daahir ismacil Weedhsame ayaa Xalay madal Ballaadhan oo uu soo qaban qaabiyey Naadiga HALKARAAN kula Caweeyey Boqolaal ka mida Dhalinyarada Burco i sla markaasna ku soo Bandhigay Suugaantiisa Hodanka ah, waxana Abwaanku si weyn u bogaadiyey ugana mahadceliyey martiqaadka iyo maamuska ay u sameeyey Masuliyiinta Naadiga Akhriska iyo Guud ahaanba Dhalinyarada Aqoonyahanka ah ee Burco ee taageerta Suugaantiisa ee xalay madashaasi soo camiray,isago u ballanqaaday inaanay noqon doonin markii u danbaysay ee uu Gobolka Yimaado isla markaasna sidan oo kale ula caweeyo Barbaarta Togdheer. Gudomiyekuxigenka Naadiga Halkaraan Mustafe Shaybe, Madaxa Waaxda Habeenka Halkaraan iyo Hal Abuurka Hirgalay oo si gaar ah iyagu Caweyskan uga soo Shaqeeyey Abwan Farxan Cilmi Calin, Qoraa Jamal Bullaale iyo Fadumo cabdilahi Cali oo dhammantood kamida masuliyinta Naadiga halkaraan ayaa si kal iyo laab ah Abwaanka ugu soo Dhoweeyey Gobolka Togdheer Bulshadana u ballanqaaday inay habeen ba qof miisan ku leh bulshada iyo hal abuurrada suugantoodu Tisqaaday ee laga qaddariyo Guud ahaanba Dhulka soomaalidu Degto ay keeni doonaan Gobolka iyago halkaasna kus oo Bandhigay Qayb ka mida Taariikhda abwaanka Xubno kale oo isugu jiray Dhalinyaro, suxufiyiin, iyo abwaano aya iyaguna uga mahadceliyey abwaanka sida uu so qiimeyey dhalinyarada Gobolka ee uu safarkaas ugu soo safray inu caawa la caweeyo Bulshada Togdheer, waxana Gebogabadii Abwaanka la waydiiyey su'aalo badan oo la xidhiidha suugaantiisa, waxyaabaha uu Bulshada inta badan ka wacyigeliyo iyo sidu u arko in suugaantiisu saamayn ledahay, isagoo Abwaankuna Dhamman ba su'aalahaas si waafiya oo kaftan ku jiro uga jawaabay waxana Naadiga halkaraan ku maamuusay abwaanka shahaado sharaf ay ugu mahadcelinayeen.