Hay'adda MSF, ayaa sheegtay in ay aad uga naxeen weerarka iyo dilka bukaanada isbtaalkeeda yiilay iyo shaqaalaheeda.
Seddax ka mid ah shaqaalaha, ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen, balse hay'adda gargaarka ee MSF, ayaa sheegtay markii uu dhacayay weerarka cirka aroortii hore ee sabtiga, in xaruntooda dhaawacyada ay joogeen in ka badan boqol bukaan, caawiyayaal iyo in ka badan 80 shaqaale isugu jiray shisheeye iyo Afghanistan.
Muuqaal video ah oo la soo dhigay internet-ka, ayaa lagu arkay dhismaha qeybta hoose ee isbitaalka oo ololeysay iyo qiiq ka baxayay daaqadaha.
MSF, ayaa soo dhigtay barteeda Twitter-ka sawirada shaqaalaheeda oo naxsan iyo howl caafimaad oo ka socota qeybaha badbaaday.
Hay'adda MSF, oo sheegtay in ay aad uga naxeen weerarka iyo dilka bukaanada Isbtaalkeeda yalay iyo shaqaalaheeda.
Hay'adda MSF, ayaa sheegtay in ay aad uga naxeen weerarka iyo dilka bukaanada isbtaalkeeda yiilay iyo shaqaalaheeda.