Agaasimihii Hore ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Agaasimaha Cusub oo Xilki la kala Wareegay +SAWIRO
Wasiirka Wasaarada maaliyada Somalilad marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa waxay si rasmi ah xilalkii ugu kala wareejisay agaasimihii hore iyo agaasimaha cusub ee wasaaradaasi dhawaan loo soo magacaabay .
Ugu horeyn waxaa madashaasi ka hadlay Gudoomiyaha hayaada shaqalaha Maxamed Maxile Boqore waxaana uu sheegay in uu agaasimihii hore uu ahaa nin wasaarada wax badan ku soo kordhigey agaasimaha cusubna u rajeynaayo u dadaalka halkaasi ka sii wadi dooni
Ugu danbeyntii wasiirka wasarada maaliyada marwo Samsam Cabdi Aadan oo hadlo kooban goobta ka tidhi xilkana si rasmi ah ugu kala wareejisay ayaa waxaa ay tidhi "Waa ilahay mahadii maanta inaga oo u joogna xaflada xil wareejinta agaasimihii hore soona dhaweynayno agaasimaha cusub ee wasaarada maaliyada waxaana aanu markhaati ka nahay xilka ay la kala wareegayaan waxaa aan leeyahay labadaas Agaasime midana waxaa uu igala shaqeynaayey wasaarada waxbarashada midana waxaa aanu ka wada shaqeynay wasaarada maaliyada runtiina waa laba nin oo mudan in ay noqdaan agaasimayaal waa laba nin oo shaqo badan oo daacad ah .