Qaramada Midoobay iyo Ururka Dhakhaatiirta Aan Xuduuda Lahayn Ee MSF Oo Canbaareeyay Weerarka Lagu Qaaday Cisbitaalkooda Kunduz

0
Sunday October 04, 2015 - 08:22:55 in by salman abdi
  • Visits: 786
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobay iyo Ururka Dhakhaatiirta Aan Xuduuda Lahayn Ee MSF Oo Canbaareeyay Weerarka Lagu Qaaday Cisbitaalkooda Kunduz

    Ururka Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn MSF ayaa eedeeysay weerar duqeyn ah oo lagu qaaday isbitaal ay maamusho MSF ee ku yaal Kunduz.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn MSF ayaa eedeeysay weerar duqeyn ah oo lagu qaaday isbitaal ay maamusho MSF ee ku yaal Kunduz.

Hay’ada MSF ayaa sheegtay ugu yaraan sagaal kamid ah dhakhaatiirteeda ay ku dhinteen weerarkan qaar kalana lagu la’ yahay duqeynta. 

Duqeyntan oo socotay muddo soddon daqiiqo ah ayaa waxaa ay sababtay in 37 ruux ay ku dhaawacmaan kuwaas oo 19 kamid ah ay ahaayeen shaqaalaha hay’adda MSF.

Inkabadan boqol bukaan ah ayaa ku jirtey isbitaalka iyo weliba dad qaraabo ay ahaayeen, hase yeeshee lama yaqaan inta ruux ee ku dhimatay duqeyntan,

MSF ayaa sheegtay in dhinayada duqeynta ka dambeeyay ay wargeliyeen goobta isbitaalka uu kaga yaal magalaada Kunduz. Afhayeen u hadlay ciidamada Maraykanka ee Afghanistan Col Brian Tribus ayaa sheegay in ciidamada Maraykanka ay duqeyn u geysteen magaalada Kunduz iyagoo bartilmaameedsaday shaqsiyaad ammaanka halis gelinaya. Hase ahaatee afhayeenka ayaa qirey in ay dhici karto in duqeyta ay waxyeelo u geysatay xarun caafimaad haatan baaritaan lagu sameynayo. 

Dhinaca Kalena Madaxa arrimaha banii aadminimada ee Qaramada Midoobay ayaa ka hadlay Duqaymihii xagga cirka ahaa ee lagu qaaday Isbitaalkii ku yaalay magaalada Kunduz ee ay ku dhinteen 19 qof Waxana uu y idhi "waxa uu ahaa masiibo, arrin aan la aqbali karin iyo xataa in ay dhici karto in ay dambiilenimo ahayd" ayuu yidhi

doct_5

Zeid Ra’ad Al xuseen waxa uu ku dooday in la sameeyo baadhitaan dhamaystiran oo madax banaan. Taliyaha ciidanka Ameerikaanka ee Afghanistan ayaa sheegay in milterigu uu bilaabi doono baaritaan lagu samaynayo duqayntii lagu dhintay ee ka dhacday xarun uu leeyahay ururka dhakhaatiitra aan xudduudda lahayn.

Jeneral John Campbel wuxuu sheegay in ay ka shaqaynayaan sidii ay ku ogaan lahaayeen wixii dhacay, wuxuuna tacsi u diray dadka ay arrintan saamaysay.

Ciidanka Ameerikaanka ayaa qirtay in ay iyagu ku qaadeen weerarka xagga cirkaka ah meel u dhow isbitaalka, waxayna sheegeen in weerarkaas uu ka dhashay khasaare aan ula kac ahayn.

Waxay intaa ku dareen in askarta Maraykanka ee talada iyo tababarka siinayey ciidanka Afghanistan ay rasaas ku soo fureen kooxaha kacdoonka wada.

Hay’addu waxay ku warrantay in isbitaalka si isdabajoog ah bambooyin loola dhacay oo lagu dilay shaqaale iyo bukaan