Al-shabaab oo Weeraray Saldhig ay Ciidammada Dowladda Somalia ku leeyihiin Duleedka Jowhar

0
Sunday October 04, 2015 - 15:07:39 in by Burco Office
  • Visits: 724
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-shabaab oo Weeraray Saldhig ay Ciidammada Dowladda Somalia ku leeyihiin Duleedka Jowhar

    Xoogagga Al-shabaab ayaa weeraray xalay fariisin ay ciidamada dowladda Somalia ku lahaayeen deegaanka Sabuun oo 15-km Waqooyi-bari ka xiga degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogagga Al-shabaab ayaa weeraray xalay fariisin ay ciidamada dowladda Somalia ku lahaayeen deegaanka Sabuun oo 15-km Waqooyi-bari ka xiga degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe.


Wararka ayaa sababay dagaal culus oo dhexmaray ciidamadii dowladdaSoomaaliya ee ku sugnaa saldhiggaas iyo xoogaggii Al-shabaab, iyadoo deegaanada ku dhow saldhiggu laga maqlayay rasaasta ay dhinacyadu is-dhaafsanayeen.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Somalia ayaa sheegay inay iska caabiyeen xoogaggii soo weeraray; ayna jiraan khasaare dhimasho iyo dhaawacba ah oo ka dhashay weerarkaas, inkastoo uusan sheegin tirada dhimashada iyo dhaawaca.

Dhanka kale, warbaahinta taageerta Al-shabaab ayaa soo qoray inay xoogagga Al-shabaab la wareegeen deegaanka Sabuun ayna gacanta ku dhigeen saldhigga ay ciidanka dowladda ku lahaayeen deegaankaas.

Ugu dambeyn, Waa markii ugu horreysay ee ay xoogag ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen weerar deegaanka Sabuun tan iyo markii lagala wareegay degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

Si kastaba ha ahaatee, Maamulka gobolka iyo kan degmada Jowhar ayaan weli ka hadlin weerarka ay Al-shabaab xalay ku qaaday saldhigga ciidamada dowladda soomaaliya ee ku yaalla deegaanka Suuban ee gobolka Shabeellada Dhexe.