Ururka Raxma Oo Sii Sagootiyey Ciyaartoyda Xulka Gobolka Hawd +Sawiro

0
Sunday October 04, 2015 - 17:01:36 in by Burco Office
  • Visits: 1101
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Raxma Oo Sii Sagootiyey Ciyaartoyda Xulka Gobolka Hawd +Sawiro

    Maamulka Gobolka Hawd, Ururka Al Rayaan iyo gudida horumarinta Gobolada hawd iayaa sii sagootiyay ciyaaryahanada xulka gobolkaas oo ka qayb galaya tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Gobolka Hawd, Ururka Al Rayaan iyo gudida horumarinta Gobolada hawd iayaa sii sagootiyay ciyaaryahanada xulka gobolkaas oo ka qayb galaya tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland.


Munaasibad balaadhan oo loogu qabtay Magaalada Hargeysa ayaa waxa lagu adkeeyay ciyaartooyga iyo maamulkoodaba in ay ka midho dhaliyaan tartankaas.

 

Badhasaabka Gobolka Hawd Ibraahim Xaaji Xasan Cali oo la hadlayay ciyaaryahanada ayaa ku adkeeyay sidii ay u soo bandhigi lahaayeen ciyaaro qurux badan, ulana iman lahaayeen akhlaaq wanaag.

Tababaraha xulkaasi Mustafe Yuusuf iyo Kabtanka Xulka Gobolka Hawd Cabdiramaan Xasan Warsame (Ilkacase) ayaa iyaguna sheegay in ay ku dedaali doonaan sidii ay natiijooyin wacan uga keeni lahaayeen ciyaaraha.

Sidoo kale gudida horumarinta ee gobolka Hawd ayaa iyaguna uga mahad celiyay Ururka Al Rayaan qaban qaabada kulankaas oo isugu jiray casho sharaf iyo waliba sii sagootin, waxaanay xuseen in ay la dhacsan yihiin sida ay wax ugu socdaan.

Sidoo kale wakiilada Ururka Al Rayaan ee hargeysa fadhigoodu yahay ayaa iyaguna kula dardaarmay ciyaaryahanada in ay guulo ka soo hooyaan ciyaaraha, kuna dedaalaan sidii ay u dhawri lahaayeen sumcada gobolka Hawd.

gabogabadiina Wasiir Xigeenka Warfaafinta Somaliland Marwo Shukri Xariir Ismaaciil ayaa sheegtay in aan loo baqo qabin ciyaaryahanada xulka Gobolka Hawd in ay natiijo fiican ka soo hoyn doonaan ciyaaraha Gobolada.

Guddoomiyaha Gudida Horumarinta Deeganada  Hawd, Maroodi Jeex, Saaxil iyo Togdheer Dr. Maxamed Warsame ayaa deeq lacag ah oo soo gaadhsiiyeen ciyaaryahanada Ururka Al Rayaan ku wareejiyay, waxaanu ilaahay uga baryay in halkii ay ka soo saareen uu ugu bedelo wax ka khayr badan.