Akhriso Siday Iskugu Beegmeen Xululka Ku Wada Ciyaaraya Magalada Burco iyo Gobolka Togdheer iyo Daadmadheedh Oo Bari Lagu Furayo

0
Sunday October 04, 2015 - 22:32:49 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Akhriso Siday Iskugu Beegmeen Xululka Ku Wada Ciyaaraya Magalada Burco iyo Gobolka Togdheer iyo Daadmadheedh Oo Bari Lagu Furayo

    Iyada Oo Maalinta Berri ah La Filaayo Inay Si Rasmi ah Ciyaaraha Gobolada Somaliland Ka Bilaabmaan Gobolada Awdal Iyo Togdheer Ayaa Waxaa Maanta Si Rasmi ah U Soo Gaadhay Magaalada Burco Ee Xarunta Gobolka Togdheer Todobada Gobol Ee La Filaayo Inay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyada Oo Maalinta Berri ah La Filaayo Inay Si Rasmi ah Ciyaaraha Gobolada Somaliland Ka Bilaabmaan Gobolada Awdal Iyo Togdheer Ayaa Waxaa Maanta Si Rasmi ah U Soo Gaadhay Magaalada Burco Ee Xarunta Gobolka Togdheer Todobada Gobol Ee La Filaayo Inay Wareega Koowaad Ku Ciyaaraan Magaalada Burco.

Xulalkan Soo Gaadhay Magaalada Burco Oo Kala ah Sool,Sanaag,Saraar,Xaysimo,Daadmadheedh Iyo Badhan Oo Guud ahaanba Caawa Ku Hoyday Magaalada Burco ayaa Waxa Si Rasmi ah Caawa Magaalada Burco Loogu Qabtay Isku Beeg Beega Goboladaasi.

Isuduwaha Wasaarada Ciyaaraha Gobolka Togdheer Ismaaciil Weydaar Oo La Soo Xidhiidhay Shebekada Caalamiga ah Ee Afkashacab.coma  ayaa Noo Sheegay Sida Ay U Dhacday Isku Beeg Beega Ciyaaraha Gobolada Bari Ee Caawa Nasiibka Loogu Tuuray Magaalada Burco Waxana Uu Yidhi:

"Si Wacan Ayey U Dhacday Isku Beega Kooxaha Gobolada Ka Kala Yimi Waxana Ay Noqdeen Laba Group,Groupka Koowaad Waa Togdheer,Daadmadheedh,Badhan Iyo Xaysimo Groupka Kalena Waa Sool,Sanaag Iyo Saraar Waxaa Ciyaarta Koowaad Ee Aroorta Lagu Furidoonaa Isla Markaana Isku Beegmay Gobolada Togdheer Iyo Daadmadheedh Waxaanan Ilaahay Ka Baryayaa Inuu Guul Inoogu Bilaabo Guulna Inoogu Soo Dhameeyo”Sidaasi Ayuu Yidhi Isuduwe Ismaaciil Weydaar.

Si Kastaba Ha ahaatee Waxaa La Filayaa Inay Maalinta Berri ah Ciyaruhu Si Rasmi ah Ugu Bilaabmaan Magaalada Burco Iyo Boorama.




Contact@afkashacabka.com