Madaxweynaha Somaliland Oo Lagu Casuumay Maxadka Nabada, Kulana La Yeeshay Hay'adda Horumarinta Iyo Maalgashiga Ireland.+Sawiro

0
Tuesday October 06, 2015 - 08:10:44 in by Burco Office
  • Visits: 885
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland Oo Lagu Casuumay Maxadka Nabada, Kulana La Yeeshay Hay'adda Horumarinta Iyo Maalgashiga Ireland.+Sawiro

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo wafdigii uu hoggaaminaayay oo booqasho rasmiya ku jooga dalka Ireland,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo wafdigii uu hoggaaminaayay oo booqasho rasmiya ku jooga dalka Ireland,

 ayaa lagu marti qaaday Maxadka Nabada iyo Xalinta Khilaafaadka ee Dalka Ireland oo magaceedu yahay (Glencree Centre For Peace & Reconciliation). Madaxda Maxadkan Caalamiga ah Mudane William Devas iyo ku-xigeenkiisa Eamon Rafter iyo masuuliyiin kale ayaa Madaxweynaha ku qaabilay xarunta Maxadka Nabada ee lagu casuumay, waxaana halkaas lagaga hadlay Horumarka Dhinaca Nabada ee ay Somaliland gaadhay, iyada oo si qoto dheer halkaas loogu xusay in Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu Astaan muuqata oo lagu daydo u yahay Mandaqada Geeska Afrika, door Shariif ahna uu ka soo qaatay Nabadgelyada ka hano qaaday Dalka Somaliland. Wasiirka Wasaarada Arrimaha debada Mudane Biixi Yoonis iyo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Mudane Saleebaan Ciise Xaglotoosiye ayaa iyagu tilmaamay in Dalka Somaliland uu yahay Qaran Nabadiisa hoosta ka soo dhisay shacbigiisuna ay ku guulaysteen Dhismaha Qaran Nabdoon oo Dimuqraad ah.

P1100795P110076812086994_10153648050143535_77501869_nP1100818P1100819P1100823P1110034P1110035P1110038P1110046P1100823P110082712086994_10153648050143535_77501869_n

Kulankan waxaa Madaxweynaha ku Wehelinayay Wasiirka Arrimaha Debada Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dr. Saleebaan Xaglo Toosiye, Safiirka Wareega ee Somaliland Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed, Safiirka Somaliland ee UK Amb. Cali Aadan Cawaale, La-taliyaha Madaxweynaha ee Hay’adaha caalamiga ah, Amb. Cabdifataax Siciid Axmed, iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali.

Geesta kale Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxay maanta kulamo balaadhan la yeeshay Hay’adaha Maalgashiga iyo Horumarinta ee Dalka Ireland iyaga oo la kulmay Madaxda ugu sarraysa hay’adahaas Investment and Development Agency (IDA) Marwo Eileen Sharps iyo Madaxa Enterprise Ireland Mudane Gary Ford oo uu wehelinayay Mudane Eain Ire.

12084111_10153648051373535_1379359031_n12081340_10153648049998535_1800075675_nP1110054P111005712067248_10153648051543535_108230421_n12068044_10153648051413535_892749688_nP1100795

Waxaa kulankan lagu soo bandhigay Kaalinta ay Hay’adahaasi kaga jiraan Dhismaha Dhaqaalaha iy Horumarka gancsiga ee Dalka Ireland uu la leeyahay Dunida, waxaanay ka war bixiyeen sida ay Jamhuuriyada Somaliland ay uga faaiidaysan karto dhinaca Horumarinta Ganacsiga iyo kor u qaadida Maalgashiga ay Dunidu ku samayn karto Dalka Somaliland oo ah Dal dihin oo khayraad balaadhan leh kuna yaalla goob istiraataji ah. Waxa kale oo ay madaxdaasi sheegeen inay ku farxeen Booqashada Madaxweynaha iyo Wafdigiisa, isla markaasna ay danaynayaan xidhiidh balaadhan oo dhex mara Somaliland iyo Ireland.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha debada Mudane Biixi Yoonis ayaa si qoto dheer uga warramay Taariikhda Jamhuuriyada Somaliland iyo Khayraadka ku duuggan Somaliland, waxa uu wasiirku tilmaamay in Dalka Somaliland uu yahay Dal Nabdoon oo Dimuqraadi ah oo leh qawaaniin dhisan oo sahlaysa una fududaynaysa in Shirkadaha Dunidu ay Maalgelin ku sameeyaan Somaliland. Waxa isaguna halkaas ka hadlay Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo tilmaamay in la soo gaadhay xiligii ay Dundu Maalgashi ku samayn ahayd Somaliland. Waxa kale oo uu sheegay in Somaliland iyo Shacbigeedu ay yihiin kuwo dalkooda dib u dhisay diyaarna u ah inay horumar ku talaabsadaan, dunidana ay uga baahan yihiin taageero. Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamed Siilaanyo oo halkaas ka hadlay ayaa aad ugu mahadnaqay Madaxda Hay’adahaas iyo guud ahaan Shacbiga Ireland, waxaana uu xusay in Qaranka Somaliland iyo Shacbigiisu ay diyaar u yihiin inay wax la qabsadaan Dalka Ireland.