Muuse Biixi oo Nidar ku Galay in uu Kulmiye Burburindoono haddii aan looga tanaasulin Musharaxnimada

0
Wednesday October 07, 2015 - 09:21:21 in by salman abdi
  • Visits: 714
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi oo Nidar ku Galay in uu Kulmiye Burburindoono haddii aan looga tanaasulin Musharaxnimada

    Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa labadii cisho ee u dambeeyay kulamo joogta ah oo uu la yeeshay Musdambeedka u soo bandhigay go' aamo qalafsan oo ku saabsan meel marinta hankiisa musharaxnimo ee Booska Madaxtinimo ee Xisbiga Ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa labadii cisho ee u dambeeyay kulamo joogta ah oo uu la yeeshay Musdambeedka u soo bandhigay go' aamo qalafsan oo ku saabsan meel marinta hankiisa musharaxnimo ee Booska Madaxtinimo ee Xisbiga Kulmiye,

isagoo u muujiyay faro Madhnaanta iyo kalsooni darada uu ka qabo Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga kulmiye oo uu ku sababeeyay inaan Xulustoodii waxba laga siin.

Warar Xog ogaal ah oo Wargeysa Waaheen ka helay kulamo uu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi la yeeshay qaar ka mid ah taageerayaasha Mustambeedka u ah ee ololaha la wada ayaa noo xaqiijiyay in Muuse Biixi kulamadaasi uu kaga hadlay aragtiisa ku waajahan hadii ayba dhacdo in musharaxiinta uu ka mid ka yahay lagu kala saaro codayn laga qaado Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye,waxa u si cad ugu sheegay dadkii Kulamadaasi ka qayb galay in aanu wax raandhiisa ah ka haysan Xubnaha Golaha dhexe oo aan hore waxba looga siin soo xulistoodii, islamarkaana Xubnihii waagaasi uu soo xulay hore looga diiday,taasina ay keenayso in aragti ahaan aanu kalsooni ka qabin inuu cod ka kasbado Xubnaha Golaha dhexe.

Wararkan ayaa intaa ku daray in Muuse Biixi uu Nidir Ku Galay In Haddii Uu Madaxweyne Siilanyo Marka Uu Soo Noqdo Ku Dhawaaqi Waayo In Muuse loo daayo oo aan Lagula Tartamin Musharaxnimada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye doorkan,in Qorshaha u yaalaa ka Muuse ahaan uu yahay inuu Bur Buriyo gabi ahaanba jiritaanka Kulmiye. waxa uu ka sheekeeyay taariikhdii wakhtiga dhawayd ee uu dagaalka la galay Madaxtooyada iyo sidii uga dhiidhiyay xulistii Golahan dhexe, waxa uu sheegay in wakhtigaasi uu isku qanciyay in loo dayn doono musharaxnimada oo uu ku keliyaysan doono balse imika ay ku socoto jid aanu garwaaqsan doonin oo ah in la dhex geeyo gole aanu xulistooda waxba ku lahayn oo ay xulistooda ka soo qayb qaateen rag ay is hayaan oo qaarkoodna la loolamayaan.


xigasho: waaheen