Muqdisho:Mid Ka Mida Waalidinta Madaxwaynaha Somaliya Oo Mardhawayd La Dilay

0
Wednesday October 07, 2015 - 22:30:14 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho:Mid Ka Mida Waalidinta Madaxwaynaha Somaliya Oo Mardhawayd La Dilay

    Magaalada Muqdisho degmada Wadajir waxaa maanta lagu dilay dhaqtar ay qaraabo ahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya oo la oran jiray Liibaan Cismaan Cali. Liibaan waxaa adeer u ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud. Rag hubaysan oo gaadhi wata

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Muqdisho degmada Wadajir waxaa maanta lagu dilay dhaqtar ay qaraabo ahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya oo la oran jiray Liibaan Cismaan Cali. Liibaan waxaa adeer u ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud. Rag hubaysan oo gaadhi wata ayaa gaadhigiisa ku hor gooyay gaadhi kadibna rasaas ku furay.


Waxaa dhaqtartka la dhintay nin sharci yaqaan ah oo la yiraah Cabdulqaadir Maxamed Yabarow. Wuxuu u shaqaynayay Wasaarada Cadaalada.
Al-shabaab ayaa sheegatay dilka dhaqtarka iyo shaciyaqaanka.
Dhinaca kale, qarax ka dhacay meel ay fariisan ku leeyihiin ciidamada Soomaaliya ee xaafada suuqa xoolaha ee degmada Afgooye, ayaa waxaa ku dhintay hal askari saddex rayid ahna way ku dhaawacmeen.

Contact@afkashacabka.com