Guddomiyekuxigenka WADANI iyo Murashaxa Madaxweyne kuxigenka UCID oo ka hadlay Weerarki lagu Qaaday Guriga Badhasabka AWDAL

0
Thursday October 08, 2015 - 08:43:23 in by salman abdi
  • Visits: 813
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddomiyekuxigenka WADANI iyo Murashaxa Madaxweyne kuxigenka UCID oo ka hadlay Weerarki lagu Qaaday Guriga Badhasabka AWDAL

    Guddomiyekuxigenka Xisbiga WADANI oo ugu horeyn isagu saaka Warbaahinta la hadlay ayaa Cambaareeyey Falkaas lagu weeraray Guriga Badhasabka AWDAL isagoo TACSI na u diray Dadku ku dhintay weerarkas qoysaskoodi waxanu yidhi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddomiyekuxigenka Xisbiga WADANI oo ugu horeyn isagu saaka Warbaahinta la hadlay ayaa Cambaareeyey Falkaas lagu weeraray Guriga Badhasabka AWDAL isagoo TACSI na u diray Dadku ku dhintay weerarkas qoysaskoodi waxanu yidhi

 "Tacsi baan u dirayaa ,askarta ku dhimatay iyo kuwa ku dhaawacmayba weerkii lagu qaaday guriga badhasaabka Awdal ,qaranka somaliland tacsi baan u dirayaa ,waa nasiib daro waana mucjiso gobolka Awdal loogama baran jabhad nimo ,waana nasiib daro haysata xukuumada ,amaan daraana jirta ,nabad galiyadana hala ilaaliyo ”.ayuu yidhi Axmed Mumin Seed .

Ma jito cambaarayn iyo fariin uu Guddomiyuhu u diray Jabhada uu adeerkii hogaamiyo ee Suldaan Weber taa badalkeedana waxa Guddomiye ku xigeenka Waddani xukuumada ku eedeeyay inay nabad galyo daro ka jiro gobolka Saaxil,waxanay taasi muujinaysaa aqoon darada iyo jaahil nimada haysata Axmed Mu’min Seed.

Dhinaca Kale Musharaxa Jagadda Madaxweyne kuxigeen ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Cabdirashiid Xasan Mataan,ayaa si kulul u canbaareeyay weerar xoogan oo xalay ay dablay hubaysani la beegsadeen Gurriga Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Saleebaan Ramaax,kaas oo sababay dhimashadda Labbo ruux oo Ilaaladiisa ahaa.

Dhinaca kalena,waxa uu canbaareeyay Xadhig uu sheegay in loo gaystay dad iskugu jira Ganacsato iyo Odayaal
Cabdirashiid ayaa sidaas ku sheegay qoraal kooban oo uu goor dhawayd ku baahiyay bartiisa xidhiidhka Bulshadda ee Facebook-ga,waxaanay u dhignayd sida tan: "Waxan cambaaraynayaa falka ka dhacay magaalada Borama gaar ahaan guriga Guddoomiyaha Gobolka. Waxan ka tacsiyadeenayaa ciidanka iyo qoyskii ay ka geeriyoodeen askarta ku dhimatay falkaa foosha xun ee argagisnimada leh. Waana in maxkamad la horkeeno ciddii masuulka ahayd falakaa.
Sidoo kale waxan cambaaraynayaa xadhiga loo geystay ganacsatada iyo madax dhaqmeedka aan dembiga faraha kula jirin ee xalay lagala baxay guryahooda oo aan xadhigooda loo marin sifadii sharciga ahayd sida uu dhigayo dastuurka JSL.
Bulshada gobolka Awdal waxan kula dardaarmayaa in ay meel uga soo wada jeestaan cidkasta oo khalkhal gelinaysaa amniga iyo degenaanshaha gobolka iyo guud ahaanba qaranimada Somaliland”.