Somaliland oo Barlamaanka IRELAND ka codsatay inay u Codeeyaan Aqoonsiga Somaliland

0
Thursday October 08, 2015 - 09:40:52 in by salman abdi
  • Visits: 768
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo Barlamaanka IRELAND ka codsatay inay u Codeeyaan Aqoonsiga Somaliland

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo waftigii uu hoggaaminaayay ayaa kulan ballaadhan la qaatay Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan Wadanka Ireland. iyagoo sidoo kalena ka codsaday inay hor geeyaan barlaamaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo waftigii uu hoggaaminaayay ayaa kulan ballaadhan la qaatay Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan Wadanka Ireland. iyagoo sidoo kalena ka codsaday inay hor geeyaan barlaamaanka waddankaas mooshin lagu taagerayo aqoonsiga somaliland isla markaasna ay jaaliyadaha kale kaga daydaan arrimaha ictiraaf raadinta


12119453_10153650417673535_183621374_o12112838_10153650418138535_1653086001_o12112677_10153650418323535_1320587484_o12112574_10153650416468535_1616701910_o12112838_10153650418138535_1653086001_o12124192_10153650416063535_614565485_o12124276_10153650415523535_38549662_o12113041_10153650415853535_1612823885_o12116068_10153650415703535_384073724_o12116194_10153650414788535_1409415937_o12116207_10153650416273535_734984895_o12116436_10153650415038535_972410160_o12119255_10153650413973535_598483384_o12119453_10153650417673535_183621374_o12119520_10153650418773535_1179281348_o

Madaxweynaha iyo Waftigiisa oo booqasho ku jooga dalka Ireland, waxay munaasibad ballaadhan la qaateen bulsho weynta Somaliland ee ku dhaqan dalka Jamhuuriyadda Ireland.

Jaaliyada ku dhaqan dalka Ireland oo laga dheehanaayay jeelka Wadaniyadeed ee ay u qabaan Madaxda Somaliland la kulan keeda, waxaa kulan kaas ka soo qayb galay Dadweyne tiro badan oo isugu jira Waxgarad, Haween iyo dhalinyaraba.

12124390_10153650414273535_2017280463_o12124192_10153650416063535_614565485_o12112908_10153650414433535_351083123_o12119278_10153650413538535_1917755993_o12112727_10153650414338535_1189617516_o12119531_10153650414363535_1113324852_o12112574_10153650416468535_1616701910_o12113041_10153650415853535_1612823885_o12112838_10153650418138535_1653086001_o12162461_10153650416028535_446381294_o12124459_10153650417478535_130609558_o12124596_10153650416163535_1773993906_o12162071_10153650415628535_570817311_o12119520_10153650418773535_1179281348_o12124459_10153650417478535_130609558_o12162296_10153650416308535_1310343623_o12162789_10153650418048535_533301244_o12162619_10153650413423535_958930312_o12162919_10153650413718535_1712028276_o12162908_10153650413448535_801119453_o12162333_10153650416238535_1735781227_o12124595_10153650415993535_1143572263_o

Wasiirada Arrimaha Debadda, Warfaafinta, Caafimaadka iyo Madaxtooyadda oo Madaxweynaha ku wehelinaayay Safarka ayaa Jaaliyada hadalo u jeediyay, Waxayna ugu xogogaal warameen Xaalada dalkii hadda maraayo iyo Safarka Waftigu ku yimi Dalka Jamhuuriyada Ireland, kaas oo ay ku tilamaameen in midho dhal fiican ay isla gadheen Dawladda Ireland.

Gebo Gebadii Xaflada Waxaa hadal ka jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxmauud (Silaanyo) Madaxweynuhu wuxuu si weyn ugu mahad naqay soo dhawaynta ballaadhan ee ay Jaaliyada Ireland ku qaabileen Waftiga uu hoggaaminaayo.

Sidoo kale wuxuu Madaxweynaha Somaliland, sheegay inay dadaal ugu jiraan goob kastana u marayaan sidii Qaranka Somaliland u gaadhilahaa una helilaha aqoonsiga beesha Caalamka, wuxuuna Madaxweyne Axmed Silaanyo ugu baaqay guud ahaan Shacbiga debadda ku dhaqan iyo kuwa gudaha dalkii joogaba inay isku duub nadaan una midoobaan danta dalkooda.

Madaxweynaha Somaliland iyo Waftigii uu hoggaaminayay oo maal mihii u danbeeyay ku sugnaa dalka Ireland oo ay booqasho rasmiya ku jogeen, waxaa maanta u soo dhammaaday kulamadii kala duwanaa ee ay la lahayeen Madaxda Xukuumadda Ireland, waxaana la filayaa in Waftiga Madaxweynuhu uga sii gudbaan dalka Ireland dhinaca Waddanka Ingiriiska.