Qaramada Midoobay oo shaacisay Dhismaha Dawlad Midnimo Qaran ah oo laga Dhisayo LIBYA

0
Friday October 09, 2015 - 14:29:54 in by salman abdi
  • Visits: 579
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobay oo shaacisay Dhismaha Dawlad Midnimo Qaran ah oo laga Dhisayo LIBYA

    Wakiilka Qaramada midoobeey ee Libya waxa uu ku dhawaaqay qorshayaal lagu dhiso dowlad midnimo qaran kaddib

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiilka Qaramada midoobeey ee Libya waxa uu ku dhawaaqay qorshayaal lagu dhiso dowlad midnimo qaran kaddib

bilo wadahadal ay u socdeen dhinacyada isku haya dalka Liibiya.

 

Bernardino Leon ayaa hormarka laga gaaran Liibiya ku sheegay shar jaraa’id lagu qabtay dalka Morocco.

Arrintan waxa ay tallaabo muhiim ah u tahay xallinta qalalaasaha dalkaasi ka jira ee bilowday markii xilka laga tuuray Mucaamir Gadafi, sanadkii 2011kii.

Dalka hadda waxa uu u kala qeybsan yahay dowladda ay islaamiyiin taageerayaan oo ka dhisan Tripoli iyo dowlad ay beesha caalamka garabka hayaan oo ka jirtay dhanka Bari ee dalkaasi.

Labada baarlamaan ee maamuladaasi ayaa hadda u codeyn doona qorshaha dowladda midnimada lagu dhisayo.