Madaxweyne OBAMA oo Khadka Telefoonka kula xidhiidhay Madaxa ugu sarreeya Hay'adda MSF iyo Nuxurka Wixii uu kala hadlay

0
Friday October 09, 2015 - 14:32:03 in by salman abdi
  • Visits: 494
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne OBAMA oo Khadka Telefoonka kula xidhiidhay Madaxa ugu sarreeya Hay'adda MSF iyo Nuxurka Wixii uu kala hadlay

    Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa telefoon u diray madaxa hay'ada dhakhaatiirta aan xaduuda lahayn ee MSF

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa telefoon u diray madaxa hay'ada dhakhaatiirta aan xaduuda lahayn ee MSF

si uu uga raali geliyo duqeyntii ciidamada Maraykanka u geysteen isbitaalka MSF ee ku yaalay magaalada Kunduz ee dalka Afghanistan.


Obama ayaa telefonka kula hadlay Madaxweynaha MSF haweenayda lagu magacaabo Joanne Liu, isagoo sheegay in Maraykanka uu aad uga xunyahay duqeyntii sida khaldan ciidamada Maraykanka ku duqeeyeen Jimcihii lasoo dhaafay isbitaalka Kunduz oo ay ku dhinteen ugu yaraan 22 qof oo ay ku jiraan 9 dhakhtar oo ka tirsanaa MSF.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa sidoo kale wacay Hogaamiyaha Afghanistan Ashraf Ghani oo uu isagana uga tacsiyeeyey khasarihii duqeyntii isbitaalka Kunduz.

Hay’ada MSF ayaa sheegtay inay soo dhaweenayso raali gelinta Obama balse loo baahan yahay in Guddi Madax-banaan ay baaritaan ku sameeyaan cida falkan amarkeeda lahayd iyo sababta loo duqeeyey isbitaalka oo ahaa mid caan ah oo ay horey ulla socdeen ciidamada Maraykanka in ay xarun u tahay dhakhaatiirta MSF.

Wasaarada Gaashaandhiga ee Maraykanka (Pentagon) ayaa horey u sheegtay in baaritaanka aan loo baahneyn guddi madax-banaan, balse ay qaban doonaan guddiyo hoos yimaada ciidamada Maraykanka iyo kuwa dowlada Afghanistaan, arrintaasi oo ay MSF si weyn uga soo horjeedo.