Gantaallo lagu Riday Qaza oo ku dhacay Israa'iil

0
Saturday October 10, 2015 - 16:12:19 in by Hargeysa Office
  • Visits: 980
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gantaallo lagu Riday Qaza oo ku dhacay Israa'iil

    Ciidamada israa'iil waxa ay sheegteen in koox hubeysan oo Falastiin ah ee Marinka Qaza ay gantaallo ku tureen dhanka ay Israa'iil maamusho, saacado kaddib markii ciidamada Yahuudda ay dileen lix qof oo Falastiiniyiin ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada israa'iil waxa ay sheegteen in koox hubeysan oo Falastiin ah ee Marinka Qaza ay gantaallo ku tureen dhanka ay Israa'iil maamusho, saacado kaddib markii ciidamada Yahuudda ay dileen lix qof oo Falastiiniyiin ah.

Ciidamada Israa’iil waxa ay tilmaameen in madaafiicda ay ku dheceen dhul bannaan, ayna farriimo digniino ah bixiyeen oo ay u dhawaaqeen dadka Yuhuuda ee deggan meelaha u dhow dhulka la haysto.

Jimcihii, ciidamada israa’iil waxa ay sheegeen in askartooda ay rasaas ku fureen dhanka xuduudda si ay ukala ceyriyaan boqollaal qof oo dhagxaan ku tuurayay taayero la gubayna u garaangerinayay dhanka askarta Yahuudda.

Madaxa Xamaas, Ismail Haniyeh, waxa uu sheegay kacdoonka uu soo socday.

Qalalaasaha hadda sii kordhaya waxa uu ka bilowday weeraro dhowr ah oo ka dhacay magaalada Qudus maalmihii la soo dhaafay iyo Israa’iil oo Falastiiniyiinta u diiday inay galaan dhulka qadiimiga ah ee magaalada.