Abwaan ibraahin Xamari iyo maansadii Soomalhaad / waa taxanihii Buuga mahiigaan

0
Wednesday April 23, 2014 - 15:58:25 in by Cerigabo Office
  • Visits: 1970
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Abwaan ibraahin Xamari iyo maansadii Soomalhaad / waa taxanihii Buuga mahiigaan

    Siqiir iyo cirroolaba Intaad wada siqaysaan Tahriib aad usocotaan Surmigiyo haraad kiyo Saxaraha dushiisiyo Soomalhaadka duhurkiyo Xeebaha silcaysaan Wadan kiinu suu yahay Dhulka maad u samirtaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siqiir iyo cirroolaba Intaad wada siqaysaan Tahriib aad usocotaan Surmigiyo haraad kiyo Saxaraha dushiisiyo Soomalhaadka duhurkiyo Xeebaha silcaysaan Wadan kiinu suu yahay Dhulka maad u samirtaan

MAAN SADA (SOOMALHAAD)

Maansadan lamagac baxday soomalhaad waxaa curiyay Abwaan Ibraahin Xamari) taariikhdu markay ahayd 2008/06/04 oo ay tahriibtu aad iyo aad u soconaysay taas oo kaliftay in dhalin yaradii oo dhami ay ku hamiyaan inay wadamada reer galbeedka ay u tacabiraan.

 

Dhalintan wadankooda kayaacaysana ma hayso wax dhaqaala la’aan ah ama shaqo la’aan ah, ee la helikaro wax uu qabto qofkasta oo muwaadin ahi, balse aanu ku baraarug sanayn ee ay hareerihiisa ka buuxaan shaqooyinkii lagu dhaqaaqi lahaa.

 

Laakiin haday arkaan ay hubaal tahay in wadankeena laga dhigi karo siday wadamada reer galbeeedku yihiin.

maansadan lamagac baxday (soomalhaad) oo  arimaha tahriibta qaadka dhaqanka iyo waxyaabo kale oo badan ka hadlaysa ayaa tidhi sidan.

 


Abwaanada sareeyee

Suugaanta maalaa

Idinsiiyay talo oo

Sikastaba u dhigayoo

Idinma solin warkoodi

Anigana sidoo kale

 

Saaxiibayaaloow

Hadii aan sidiinaa

Tahriib soo diyaarsado

Wadan keeni yaa sugi

 

Waa su’aal da’waynoo

Jawaab saxan u baahane

Soomaalidoo idil

Hadii saaka gabigood

 

Sadar dheer la galiyoo

Fiisayaal la siiyoo

Yurub lagu sagaal guro

Soomaali yaa hadhi

 

Ingiriiska saakaba

Sida ba’an u jeceshiin

Sidan uu ku sugan yahay

Subax qudha ma noqonine

Silic buu u soo maray

 

Samirbaa sadxoogloo

Sayidbaa dul qaadlee

Siqiir iyo cirroolaba

Intaad wada siqaysaan

Tahriib aad usocotaan

Surmigiyo haraad kiyo

Saxaraha dushiisiyo

Soomalhaadka duhurkiyo

Xeebaha silcaysaan

Wadan kiinu suu yahay

Dhulka maad u samirtaan

 

Maad wada sintaanoo

Soormaad ka beertaan

Dabadeedna saacaa

 

Siqiirkiyo caruurtiyo

Saboolkiina siisaan

Baahida salgoysaan

Hadii saac kasoo hadho

Suuq yada aduunkaa

Sixir jaban ku gaysaan

 

Awdal iyo sanaagiyo

Sool iyo hargaysiyo

Saaxil iyo togdheeriyo

Sabadii gabiileey

Waxuun maad ka saartaan

 

Si markaynu eegnana

Seereheenu waa hodan

Badahaa salkoodaa

Markabadu sunsumayaan

Sanca iyo sucuudiga

Safar wayn kasoo rara

 

Marna sii baxaayee

Sumalka iyo awrkiyo

Dibiyada sidaa ay

Sida wacan u marayaan

 

Niman baan siciidoow

Sawir gaara mooyee

Aan arag siday tahay

 

Saxaraha dushiisana

Nimanbaa ku suganoo

Siday tahay ku raba oo

Aan ka socon sidiinaa

 

Dalalkaa samada tagay

Qaarbaa siqiiroo

Dadku seenna ma’ahee

Milyanaad sare’u maray

 

Soomaalilaand waa

Sedex iyo sagaal iyo

Inyaroo sideetana

 

Dakad saafiyoo wacan

Ilaah baa na siiyoo

Wadankeenu saxariyo

Meel saluugle ma’ahee

Si’uun maad waxyeeshaan

 

Hadaydaan samaynayn

Sagalkaa aroortiyo

Markuu waagu sara kaco

Maad wada socdaashaan

 

Maad soo jarmaadaan

Cilmi maad u samirtaan

Ilaahbaa sareeyee

Waxuun maad samaysaan

 

Hadaydaan samaynayn

Samirbaa sad xoogloo

Sayidbaa dulqaadlee

Siqiir iyo ciroolaba

Intaad wada salaxantiin

Sinta aad u jiiftaan

Salka ciida saarteed

Qaadka aad simaysaan

Murqaan aad ku sugan tiin

Ictiraaf sugaysaan

 

Sunnihii rasuulkiyo

Maad diinta sidataan

Aad salaada tukataan

Aad soomka haysaan

Saaxiibayaaloow

Wax kastaaba waa sahal

Maad sababta keentaan


 

Umad waliba saaxiib

Sideenay ahaydoo

Dhaqan iyo sinaan bay

Samadaa ku gaadheen

Waxaa taa sifaynkara

Carabta sabanka maanta ah

Saafida u haysaa

Sunnadii ismaaciil

Bay sidatay waligeed

 

Markii ay saluugnayd

Seeraha kaleexdeen

Sida wacanka baydheen

Sanamkiyo qadhmuunkiyo

Daaquudka soo ura

Sacabbada ku sidatiyo

 

Markii ay saxnaydee

Diinteenna sare ee

Subxaan keenu soo rogay

Sayid maxamed raaceen

Sodankaa quraanka ah

Sadar sadar u qaybeen

Iyo saaka maanta ah

Carabi way sinnaydoo

May saydhin dhaqankii

Khamiisbay ka sidataa

 

Kooda ugu sareeyiyo

Kaan sidanin diinaar

Dhaqanka way kasimanto

Khamiisbay ka sidataa

 

Kooda diinta sida ee

Cilmiga u sareeyiyo

 

Kaan tukan salaadaba

Dhaqanka wayka simanto

Khamiisbay ka sidataa

 

Inta saydhay dhaqankee

Siigada ku tuurtee

Saxarrada ka biinayn

Way soo tirsamayaan

Soomaalideenuna

Sidaasay ahaydoo

Soo sidatay dhaqanoo

Ku dhaqmaysay sanadee

Saaka maxay ka haysaa

Sidaad mooday maahee

Dhaqankeeni laga socay

 

Innamadii saxnaan jiray

Qaarbuu surwaalkii

Sinihiiba dhaafoo

Badhidaa salkeediyo

Bawdada sunsumayaa

 

Qaarbaad sargooyada

Socod kooda mooddaa

Sidii awr culays sida

Sinta bidix ka dheeliyay

 

Qaarbaa sidoo kale

Timahoodi suufkaa

Sida ay u gooyeen

Socod kooda laga naxo

 

Hablii suubanaan jiray

Dhaqankood sareyee

Weedhood saxnaydee

Sooryadiyo qorigiyo

Sodon geela goyn jiray

 

Boqor iyo subeeciyad

Sadexqaydka xidhan jiray

Si kalay barteenoo

 

Garan iyo surwaalbay

Suuq yada ku marayaan

 

Qaarbaa sirgacanoo

Ku saluuqan dhajisoo

Awr seeto lagu xidhay

Socod kooda moodaa

 

Qaarbaa kasii daran

Xishoodkiiba sayadhoo

Suuqyada ordaayoo

Habeenkii sagaalada

Saqbadhkaa markay tahay

Sidii aarankoo kale

Sakadaha labaacsado

 

Waa su’aal jawaablee

Diintii saxnayd iyo

Sunadii rasuulkaba

Mala saydhay saaxiib?

 

Waa wax laga sasaayee

Dhaqan kii sugnaan jiray

Mala raacshay saaxiib?

 

Aan sidaa u eegoon

Saadaasha baadhee

Sikin kaynu joognaba

Qaarbaan sugaynoo

Odhan doona saaxiib

 

Ninkan xunee sirgacanee

Sawaxanka iyo qaylada

Samadaa ku dhagayaa

Muxuu yahay sidiisaba

 

Aan yara socdaalaan

Su’aashaa bal eegee

Waxaan ahay nin soo jiray

Socdaaldheerna soomaray

Surmigiyo haraadkuna

Seedihiisa gooyeen

 

Misna ay sunsumayaan

Sinihiisa meel udhow

Wabiyaal sagaal ihi

 

Waxaan ahay nin suuf iyo

Suuman beerka ku xidhoo

 

Ay sidato gaajoo

Ku siqaaya badhidoo

Socodka aan awoodayn

 

Misna hadii la sahamiyo

So’da uu ku nool yahay

Subaga iyo soortuba

Sixniyada ka buuxaan

 

Waxaan ahay siqiir iyo

Nimaan saafi helahayn

Nolol san aan kunoolayn

Soor yada uu cunayiyo

Sahayda aan awoodayn

 

Hadana aan sifeeyee

Saracaa baxaayiyo

Geelaa sidkiisii

Saaka uu ku eeg yahay

Ganacsiga soconayee

Maraakiibta lagu sido

Sayidkoodu waa ani

 

Car isaara miisaan

Keebaa isixi kara

Maxaan ahay sidaydaba

Sideebaan ku noolahay

Maxaa aan sitaa sheeg

 

Hadana soo rogaal celi

Soomaalidii hore

Waxa ay sideedaba

Inasiisay dhaxal iyo

irsi aan sal guurayn

Dhaqan iyo sinnaan iyo

Suugaan la jecel yahay

 

Waxaa taa kusii jiray

Nin sigaarka quutaa

Saaka reer mabiilaa

Su’aashaa jawaabteed

Maya weeye saan odhan

 

Sabankaynu joogniyo

Sanadkeenan maanta ah

Waxaa saaka soo baxay

Midkaloo ka sii daran

Dhaqan keeni soo dilay

Dhalintii sansaan rogay

Dhaqaaleheeni soo xidhay

Wadan keeni sii rogay

Cadawgeeni saaciday

Diintii saxnaydiyo

Sunadii rasuulkana

Ka hor jeeda saaxiib

 

Ninkii suuban dhiqilaa

Ninkii sidigta xoorkale

Nirigteeda sidilaa

 

Saraakiisha wadankiyo

Ninkii seerba noqonlaa

Tixda iyo sidida iyo

Suugaanta dhaadheer

Ninkii soo bandhigilaa

 

Suuradaha qur’aankiyo

Xadiis yada saxiixiyo

Ninkii diinta sidilaa

Ninkii cadawga sayntale

Sodon sodon u dililaa

 

Sii iyo caqaar iyo

Sadex sadex mijood iyo

Shaahiyo sigaarkaa

Ninwaliba sitaayoo

 

Subixii la keenaba

Sagaal saac markay tahay

Salli wayn la fidiyaa

Si cad loo fadhiistaa

Saqbadhkay ku gaadhaan

 

Waxaa taa ka sii daran

Sodohdi iyo wiilkii

Seedigi iyo odaygii

Salli bay ku qayilaan

Sibyaan tiyo barbaartina

Sidaasay ku raaceen

 

Waa su’aal jawaablee

Diintii saxnayd iyo

Sunnadii rasuulkaba

Malasaydhay saaxiib

Waa wax laga sasaayee

Dhaqankii sugnaanjiray

Malaraacshay saaxiib

 

Wali waan samraayaa

Sun ma’aanan saydhinin

Waabay ma soo qubin

Seeftaydi dheerayd

Galka mayka soo bixin

Waxa weedh salaxanee

Dhagihiina solayaa

Waa siinka oo qudha

Waxba yaanan sii socon

Sidida yaan ku dheeraan

Sidan maysu dhaantaan