Wararkii U Danbeeyay Khasaaraha Nafeed Ee Ka Dhashay Dagaalo Culus Oo Ka Socda Goballo Ka Tirsan Dalka Koonfurta Sudan

0
Thursday April 24, 2014 - 07:14:37 in by salman abdi
  • Visits: 989
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii U Danbeeyay Khasaaraha Nafeed Ee Ka Dhashay Dagaalo Culus Oo Ka Socda Goballo Ka Tirsan Dalka Koonfurta Sudan

    Dagaalo culus ayaa lagu soo waramayaa in ay ka socdoon Gobalada Waqooyi-bari ee dalka South Sudan, kuwaas oo dhex maraya ciidamadda dawladda dalkaas ee uu Madaxweynaha ka yahay Salva Kiir Mayardit

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalo culus ayaa lagu soo waramayaa in ay ka socdoon Gobalada Waqooyi-bari ee dalka South Sudan, kuwaas oo dhex maraya ciidamadda dawladda dalkaas ee uu Madaxweynaha ka yahay Salva Kiir Mayardit
Dhinaca kale, Ciidaamadda hubaysan ee Mucaaridka ayaa goor dhawayd waxba kama jiraan ku tilmaamay eedayn ay Qaramada Midoobay ku sheegtay in kooxaha mucaaridku ay qudha ka jareen Boqolaal qof oo shacab ah oo la gowracay markiiĀ 

Dagaalo culus ayaa lagu soo waramayaa in ay ka socdoon Gobalada Waqooyi-bari ee dalka South Sudan, kuwaas oo dhex maraya ciidamadda dawladda dalkaas ee uu Madaxweynaha ka yahay Salva Kiir Mayardit, iyo mucaaridka hubaysan ee ka soo hor-jeeda.

Afhayeen u hadlay ciidamada milatariga Dawladda oo lagu magacaabo Philip Aguer, ayaa sheegay in gobalada dagaaladda culisi ay ka socdaan ay kala yihiin Upper Nile iyo Jonglei, waxaanu ku dooday in ciidamadda dawladuu ay guulo ka gaadheen dagaaladan socda, balse ma jiraan wax war ah oo ka mdax banana labada dhinac oo xaqiijinaya kahasaaraha nafeed ee ka dhashay dagaaladan iyo tirade dadka rayidka ah eek u waxyeeloobay..

Dhinaca kale, Ciidaamadda hubaysan ee Mucaaridka ayaa goor dhawayd waxba kama jiraan ku

tilmaamay eedayn ay Qaramada Midoobay ku sheegtay in kooxaha mucaaridku ay qudha ka jareen Boqolaal qof oo shacab ah oo la gowracay markii ay gacanta ku dhigeen usbuucii hore magaalo saliida ku ah eek Bentiu, oo ka tirsan gobolka Unity ee dalkaas.

Si kastaba ha ahaatee, dad rayid ah oo tiradoodu kor u dhaaftay Hal Milyan ayaa lagu soo waramayaa in ay ku baro-kaceen deegaanadii ay dagaanayeen tan iyo markii ay dagaaladu ka qarxeen dalka South Sudan dabayaaqadii sanadkii hore ee 2013-kii,, waxaana sidoo kale aan dhaqan gelin heshiis xabad joojin ah oo ay bishii Koowaad ee sanadkan aynu ku jirno ay wada saxeexdeen labada dhinac.

Dagaaladan lagu hoobtay ayaa dalka Koonfurta Sudan markii u horaysay ka bilaabmayIs maandhaaf siyaasadeed oo isu badalay dagaalo hibaysan oo ka dhex qarxay ciidamo kala taabacsan Madaxweynaha dalkaas, oo ka soo jeeda qabiilka lagu magacaabo Dinka, iyo Madaxwene ku xigeenkiisii hore Riek Machar, oo isna ka soo jeeda qabiilka lagu magacaabo ka Nuwer, sidaa daradeed, khasaaraha nafeed iyo hantiyeed ee ka dhashay dagaaladan waxa ay saamayn ku yeesheen dad Soomaali ah oo ganacsato u badan oo dalkaa ku sugnaa.

AFKASHACABKA.COM
hARGAYSA/OFFICE
CONTACT@AFKASHACABKA.COM