Afar Qof Oo Ku Dhimatay Qarax Xalay Kadhacay Mgaalada Nairobi.

0
Thursday April 24, 2014 - 08:53:24 in by salman abdi
  • Visits: 732
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afar Qof Oo Ku Dhimatay Qarax Xalay Kadhacay Mgaalada Nairobi.

    Gaadhi ayaa ku qarxay illinka laga galo saldhigga booliska ee Bangani ee magaalada Nairobi, xalay fiidkii.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gaadhi ayaa ku qarxay illinka laga galo saldhigga booliska ee Bangani ee magaalada Nairobi, xalay fiidkii.

Gaadhiga qarxay ayaa la soo qabtay, waxaana dabab socday oo ilaalinayay gaadhi boolisku leeyihiin oo doonayay inuu geeyo saldhigga si loo baaro.

Waxaana ku dhintay qaraxa laba askeri oo saarnaa gaadhiga booliska ee soo qabtay iyo laba qof oo ahaa kuwii lagu soo qabtay gaadhiga.

Waxyaabo kaloo qarxo ayaa laga helay gaadhiga gudihiisa, si nabad gelyo ah ayeyna ciidamada ku qarxiyeen.

Taliyaha booliska ee Kenya David Kimaiyo oo booqday goobta qaraxa ayaa u xaqiijiyay warbaahinta, geerida afar qof.

Dad goob joogayaal ah ayaa u sheegay BBC in qaraxa uu aad u xoog badnaa, taasina ay sababtay in daqiiqado ay ku qaadato in boolis

ay meesha soogaaraan oo ay eegaan waxa dhacay.

Burburka gaariga qarxay ayaa ku daatay dhammaan hareeraha wadada.

Qaraxa ayaa imaanayo iyadoo amniga dalka Kenya aad loo adkeeyay.

Booliska Kenya ayaa isbuucyadii la soo dhaafay waday howlgalo ay ku qabqabteen dad u badnaan soogalooti sharcidaro ah.

Tallaabadaas ayey ku sheegeen in amniga lagu sugayo, waxaana dib loogu ceilyay xeryaha qaxootiga dadbadan badan iyadoo kuwa kalana dalka laga musaafiriyay.


Afkashacabka.com

Hargaysa/Office

contact@afkashacabka.com