Dar Daaranka Nolosha+Hamiga Qofka iyo Higsiga Guusha w/Q faysa xuseen saalax(laguladan)

0
Sunday October 25, 2015 - 17:25:29 in by Burco Office
  • Visits: 6829
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Dar Daaranka Nolosha+Hamiga Qofka iyo Higsiga Guusha w/Q faysa xuseen saalax(laguladan)

    Noloshu waa silsilad iyo mareeg ay maraan nooluhu , waana giraan ku wareegsan marxalado kala duwan,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Noloshu waa silsilad iyo mareeg ay maraan nooluhu , waana giraan ku wareegsan marxalado kala duwan,  oo qofba si u saamaysa, waa ayaamo ilaahay ugu talo galay qofba inuu in ku noolaado, Oo qof walbaaba dhadhamiyo , macaankeeda iyo qadhaadhkeeda, rafaadkeeda iyo raaxadeeda, Marxalad kasta oo kusoo martaa waxaad ka barataa cashar kazoo kuu ahaada hagge nololeed Iyo marjac aad u noqoto, Noloshu waxay kaa dhigtaa qof adag oo u dhabar adayga dhibkasta oo uu la kulmo inta aad Ku jirto halganka nolosha ama qof unugul una daciifa(jilicsan)waxkasta oo aan lahayn hal adaygnimo Buuxda, halbeega noloshu waa adoo hore ugu socda caqabad kasta oo kaa hortimaada intaad La daaladhacayso guushamarinkeeda inaad gaarto, waa inaad u adkaystaa, markasta oo Guuldaro kusoo wajahdo oo aad la kulanto hagardaamooyin, hiigsiga, hadafka, iyo himiladaada noloshu waa adoo u adkaysta Una samra ilahayna tala saarta. Noloshu waxay ku geyeeysiisaa, horumar, horsed, iyo hami fog iyo hore socod dhamaystiran, Heemaalka guud ee noloshu waa inay kaa go’an tahay inaad gaarto hadaf iyo himilo dheer oo Aad ka fooliso nolol saafiya oo aan lahayn turxaan , inaad taageero iyo taakulo u muujiso ka baahan, Oo aad kaalmayso ka buka, waa inaad kaabtaa ka aqoon ahaan kaa liita, ,taasina waa mid kamida Xaqa uu kugu leeyahay walaalkaga/walaashada, muslimka ahi, Halganka noloshu maaha mid howlyar waa halis dab iyo dhamaca? wayo hagardaamooyin iyo hurgumo badan tahay way hami iyo howl badan tahay, way werwer iyo walaac badan tahay, Way hibo iyo hanaan wacan tahay markaad horsed u noqoto kumanaan kale oo hareerahaaga taagan Oo ku taamaya inay mar uun gaadhaan ama soo taabtaan fiinta ugu dheer halganka guusha. Bulsho kastaa waxay leedahay hormood u horseeday hilinka guusha oo hore u jeexay marinkaas. Haldoorkasta oo nolosha heer fiican ka gaadhay magac dheerna ku lihi wuxuu u huray, Waqti iyo waayo badan, maskax ,maal iyo muruq ba, wuxuu markasta maanka ku hayeey Inuu maruun soo taabto halka ugu saraysa salaaanka guusha wuxuuna dhulka ku xariiqayeey Inuu nolosha tiir dhexaad u noqdo nolol leh laba weji , Nolol aan halgan lahayni nolol maaha waayo waxaan loo dhididin dheeef lagama helo Waxkastaana waxay ku wanaagsan yihiin markaad garanayso qadhaadhkeeda iyo macaankeedaba, Ha unoolaan weligaa inaad taagnaato halkaad manta joogto hore uga dhaqaaq oo nolosha wax ku darso Waxna kusoo biiri si ay dhaxal kugu noqoto ay kaga dhaxlaan jiilka dambe ilahay nolosha qofkasta in gaara buu ugu talo galay inuu ka gaadho, hayska dayicin waqtiga alle kugu talo galay, inkastaynaan Ogayn intaynu noolanayno hadana waa in aynu ku dadaalo, waa inaan ku xisaabtanaa miridhkasta Waa inaan maanka ku haynaa ilbidhiqsi kasta oo ku dhafaa inaanu kusoo noqonayn, Ha mooganaan in ilahay ku waydiin doono waxaad ku qabsatay waqtigaagii, cimrigaagii, maalkaagii, cilmigaagii, markaa is xisaabi intaan alle ku xisaabin. Nolosha qiimay, oo qaabayso una qorshay sida ugu quruxda badan , markaasay qiimo ku yeelane Hadii aynu is barbar dhigno sida aynu nahay iyo sida waajibku yahay in aynu ahaano waxaam is arki lahayn inaan noolahay nolol nus ah, inagu waxaynu ku isticmalaa waxyar oo awoodeena lixaadka leh ah Iyo tan caqliga ah ba. Hadii si kale loo sheego qofku wuxuu ku nool yahay edeg yar oo cidhiidhi ah oo uu kasamaystay soohdinta dabiiciga ah, qofku wuxuu leeyahay laxaad kala duwan lakin sida dhacda kama faa’iidaysto Ha noqon qof u noolaade inuu gaaro nolol raaxo badan oo aad ugu noolaato si badhaadhe ah Ha noqon qof lagu xanto inuu nolosha kaga jiro dabaqad sare oo xaga nolosha ah laakiin, Noqo qof nolosha la wadaaga feker iyo faalo, maskax togan iyo maan culan, cilmi baahsan iyo caqli saalima, si aad unoqoto qof bulshada ugu jira maqaam sare oo miisaan culus. Noqo qof noloshiisa saaxiib uga dhiga hadal iidaman iyo howraar debecsan, weedhsan iyo waano quruxsan Noqo qof bulshadiisa ku tilmaama jidka toosan oo u ifiya shamaca cilmiga Noqo qof bulshadiisa ka reeba xumaanta , kuna booriya samaanta Noqo baraarujiye nafeed oo la jaar iyo jaalle ah buugga iyo qallinka (akhriska iyo qoraalka) Ha noqon qof bulshadiisa ka fog, ka faana kana hawooda, iskana wayneysiiya Ha noqon qof xaasidku ah cilmi iyo caqliba into ku dhaamo bulshadiisa 



Qalinkii : faysa xuseen saalax(laguladan)