Madaxweynaha Somaliland oo ka aqbalay Iscasilaadda Xubnaha iska Casilay Xukuumaddiisa

0
Monday October 26, 2015 - 17:35:41 in by salman abdi
  • Visits: 747
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliland oo ka aqbalay Iscasilaadda Xubnaha iska Casilay Xukuumaddiisa

    Madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa taliyaha ciidanka booliska ku war geliyey in wasiirada iska casilay xukuumada aanay soo gali Karin xafiisyadooda ilaa inta xil wareejintu dhacayso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa taliyaha ciidanka booliska ku war geliyey in wasiirada iska casilay xukuumada aanay soo gali Karin xafiisyadooda ilaa inta xil wareejintu dhacayso.

Madaxweynaha somaliland waxa uu sheegay inuu ka aqbalayo iscasilaada ay xubnahaasi soo gaadhsiiyeen isla markaana uu diyaar u yahay inuu masuul kasta oo is casila ka aqbalo, sida ay shabakada Hadhwanaagnews u xaqiijiyeen masuuliyiin goob joog ka ahaa.Madaxweynaha iyo taliyaha ciidanka Booliska oo uu kulan ku dhex maray qasriga madaxtooyadu ayuu madaxweynuhu ku war galiyey inaanay masuuliyiintaas iska casilay xilkii ay dawlada ka hayeen aanay soo gali Karin wasaaradihii ay masuulka ka ahaayeen.

Is casilaadan masuuliyiinta ka tirsan xukuumada ayaa timid ka dib markii xalay lagu kala kacay kulan uu madaxweynuhu qasriga kula yeeshay xubnaha xisbiga Kulmiye kaga jira beeshiisa iyo xubno kale , kulankaas oo kaga codsaday garabka uu hogaminayey wasiir Xirsi inay taageeraan musharaxnimada Muuse Biixi Cabdi, taas oo ay ku gacan saydheen.

 

Wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ah masuulka u hadlayey garabka isbahaysiga musharaxiinta xisbiga Kulmiye iyo kooxda wasiirada ah oo ahaa masuulka kaliya ee ka jawaabay codsiga madaxweynaha ayaa si cad u madaxweyaha ugu sheegay inaanay arintaasi qaban, waxaanu ka dalbaday madaxweynaha in la siiyo mudo laba cisho oo ay kaga fikiraan soo jeedinta madaxweynaha, balse madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay inay ka go,an tahay taageerada Muuse Biixi wax mudo ahna aanu siinayn ee ay aqbalaan, taas oo keentay in wasiirka madaxtooyada iyo xubnihii wehelinayey ay ka baxaan shirka.

Dhinaca kale wasiirka macdanta iyo Tamarta iyo wasiirka Duulista iyo Hawada oo ka mid ahaa garabka Muuse Biixi isla markaana goob joog ka ahaa kulankan ayaa aqbalay soo jeedinta madaxweynaha.