Wasiirka Macdanta iyo Tamarta iyo Wasiirka Cusub ee Duulista oo ka hadlay Iscasilaadda Saaxibaddoodii Xukuumadda ay ka wada tirsanaayeen ee is casilay

0
Tuesday October 27, 2015 - 17:21:57 in by Burco Office
  • Visits: 704
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Macdanta iyo Tamarta iyo Wasiirka Cusub ee Duulista oo ka hadlay Iscasilaadda Saaxibaddoodii Xukuumadda ay ka wada tirsanaayeen ee is casilay

    Wasiirka Macdanta & Tamarta ayaa dhankiisa ka hadlay iscasilaadii xubnaha Golaha Wasiirada ee maalintii shalay ka tagay shaqada ,Wasiirka Macdanta ayaa sheegay inuu u ducaynayo Masuuliyiintaasi .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Macdanta & Tamarta ayaa dhankiisa ka hadlay iscasilaadii xubnaha Golaha Wasiirada ee maalintii shalay ka tagay shaqada ,Wasiirka Macdanta ayaa sheegay inuu u ducaynayo Masuuliyiintaasi .


waxaanu wasiirku yidhi "Wasiirada Is casilay xaqbay u leeyihiin ,waa walaaladayo ,waa saaxiibadayo ,wada shaqayn baa naga dhaxaysay , aflagaado ka daba tuuri mayno ee waan u ducaynayaa in aanu alle talada ka khaldin ,Xor bay u yihiin inay ka tagaan ,waan u ducaynayaa marlabaad wasaaradihii ay ka tageena Madaxwaynuhu hawsheeda ayuu ku jiraa ".ayuu yidhi Wasiirka Macdantu.

Dhinaca kalena Wasiirka Cusub ee Wasaarada Duulista & Hawada horana u ahaan jiray Wasiirudawlaha Maaliyada Somaliland Md:


Cismaan Saxardiid Cadaani ayaa ka hadlay wasiiradii shalay ka tagay Xilalkii ay ka hayeen Xukuumada waxaanu Wasiirku sheegay inuu ka xumaaday is casilaada Saaxiibadii waxaanu yidhi "Shalay Wasiiradii is casilay horta Madaxwaynuhu waa ka aqbalay istaqaalada ,Laaakiin maamnu jeclayn inay naga tagaan rag aanu inbadan soo wada shaqaynaynay ,mana rabin in saaxiibaday naga baxaan ,laakiin waa siyaasad oo dee qofwaliba waa xor ,KULMIYE shirkiisuna waa qabsoomayaa si fiicana wuu u dhacayaa inshalaah ,amaanka somaliland mar uu maanta ka fiicanyahy ma jirto ".ayuu yidhi Cismaan Saxardiid Cadaani.