munaasibad abaal marino lagu gudoonsiinayey arday kaalmaha hore ka gashay tartan xifdiga quraanka kariimka ah oo loo qabtay ardayda madarasadaha Cabdilaahi Binu Cabaas ayaa maanta lagu qabtay xarunta dugsiga sare ee Aljazeera ee magaalada Hargeysa.

0
Saturday April 26, 2014 - 15:32:14 in by
  • Visits: 1899
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    munaasibad abaal marino lagu gudoonsiinayey arday kaalmaha hore ka gashay tartan xifdiga quraanka kariimka ah oo loo qabtay ardayda madarasadaha Cabdilaahi Binu Cabaas ayaa maanta lagu qabtay xarunta dugsiga sare ee Aljazeera ee magaalada Hargeysa.

    munaasibad abaal marino lagu gudoonsiinayey arday kaalmaha hore ka gashay tartan xifdiga quraanka kariimka ah oo loo qabtay ardayda madarasadaha Cabdilaahi Binu Cabaas ayaa maanta lagu qabtay xarunta dugsiga sare ee Aljazeera ee magaalada Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

munaasibad abaal marino lagu gudoonsiinayey arday kaalmaha hore ka gashay tartan xifdiga quraanka kariimka ah oo loo qabtay ardayda madarasadaha Cabdilaahi Binu Cabaas ayaa maanta lagu qabtay xarunta dugsiga sare ee Aljazeera ee magaalada Hargeysa.



Munaasibadan oo ahayd mid aad u balaadhan ayaa waxa ka soo qayb galay maamulka guud ee madarasadaha Cabdilaahi Binu Cabaas, ardayda Waalidiinta, xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka iyo marti sharaf kale.

Maamulaha guud ee macaahida Cabdilaahi Binu Cabaas Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Jaamac oo ka hadlay munaasibadan ayaa ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay madarasadu,waxaanu ka


war bixyey tartamadii kala duwanaa ee dhex maray ardayda madarasadahaasi waxaanu yidhi "Maanta munaasibad qaali ah ayeynu maanta fadhinaa hawl badana waanu soo galnay, tartanka ardaydu waxay socotay sanadka oo dhan, tartanka ujeedada aynu ka lahayn waxay ahayd in ubadkeena soo kacaya ay noqdaan kuwo xanbaarsan kitaabka ilaahay, waxa kale oo ka mid ah in ardayga la dhiiri geliyo oo lagu dhiiri geliyo akhriska quraanka kariimka ah, tartankaas ardayduna waxa uu soo maray heerar kala duwan, waxaana lagu tartamayey sodonka jis, labaatanka jis, shanyo tobanka jis, tobanka iyo shanta jis, fasal walbana wixii halkaas ka soo gaadhay way tartameen, waxaana ugu danbayntii iskugu yimid 44 arday iyada oo ay kaalmaha hore ku guulaysteen 21 arday, waxaana hadhay 23 arday oo ku hadhay dhibco aad u yar, waxaanan ku dhiiri gelinaynaa waalidiinta inay maamuusaan ardaydaas oo ay ku dhiiri geliyaan inay dedaalka sii wadaan.”

 

Sidoo kale maamulaha guud ee madarasadaha Cabdilaahi Binu Cabaas oo hadalkiisa sii wata ayaa ku dardaarmay in la garab istaago guud ahaan ardayda ka qayb gashay tartankan quraanka kariimka ah "waxyaabaha aan waalidiinta kula dardaarmayo waxa ka mid ah inay dhiiri geliyaan ardaydan oo ay si gaar ah u maamuusaan sidoo kale waa in la maamuusaa ardayda soo baxday laftigooda waa in la dhiiri geliyaa oo wax loogu daraa abaal marinta uu ku guulaystay, waxa kale oo jirtay inay arday fiicani ku hadheen tartankii fasalada waxaanan leeyahay ardaydaas waa in la dhiiri geliyaa.”

Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay gudoomiyaha dalada ay ku bahoobeen dugsiyada sare ee aan dawliga ahayn Khadar Xaaji Yuusuf Cabdilaahi waxaanu guud ka waramay sida loogubaahan yahay in caruurta lagu barbaariyo xifdiga quraanka kariimka ah iyo culuumtiisa, waxaanu waalidiinta u soo jeediyey inay ubadka la ogaadaan waxbarashada diiniga ah.

Sidoo kale maamulaha guud ee dugsiga sare ee Ilays Sheekh Cabdiraxmaan Aw Axmed Cabdi waxaanu u mahad naqay maamulka iyo macalimiinta madarasadaha Cabdilaahi Binu Cabaas waxaanu yidhi "Waxaan u hanbalyeynayaa maamulka madarsadaha Cabdilaahi Binu Cabaas kuwaas oo dedaal badan muujiya dedaalkaas oo ka muuqda ardayda, aad ayaanay uga duwan yihiin madarasado badan oo aan tagay marka la eego sida ay ardayda uga dhisayaan quraanka, axaadiista iyo adkaarta waxaana muuqata inay dedaal badan geliyeen ardayda ay wax barayaan.”

Xildhibaan Cabdilaahi Aw Aadan oo ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka ee caasimada Hargeysa oo isaguna munaasibadan ka hadlay ayaa waxa uu u soo jeediyey waalidiinta ardaydu wax ka dhigtaan madarasadaha Cabdilaahi Binu Cabaas inay dedaal dheeraad ah geliyaan inay caruurta ku barbaariyeen xifdiga quraanka kariimka ah.

Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay xubno ay ka mid ahaayeen Cabdilaahi Cali Askar oo ku hadlay afka waalidiinta, maamulaha dugsiga Aljazeera Xasan Jaamac Dhamac iyo marti sharaf kale kuwaas oo dhamaantood ka hadlay faa,iidada ay leedahay in caruurta lagu barbaariyo xifdiga quraanka kariimka ah.

 

Ugu danbyntiina waxa munaasibadan abaal marino iyo shahaadooyin lagu gudoonsiiyey ardaydii kaalmaha hore ka gashay tartankii quraanka kariimka ah ee dhex maray ardayda madarasadaha Cabdilaahi Binu Cabaas.


Afkashacabka.com

Hargaysa/Office

contact@afkashacabka.com