Ciidamadda Ethopea. Oo Xabsiga U Taxabay masuuliyiin ka Tirsan Dawladda Fedaralka ah.

0
Saturday April 26, 2014 - 20:55:31 in by salman abdi
  • Visits: 966
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamadda Ethopea. Oo Xabsiga U Taxabay masuuliyiin ka Tirsan Dawladda Fedaralka ah.

    Ciidamada Itoobiya ayaa xabsiga dhigay Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Guriceel

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Itoobiya ayaa xabsiga dhigay Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Guriceel

 iyo Wariye, kuwaasoo u kuur galayay xaalada deegaano ka tirsan dhulka Soomaalida Itoobiya, halkaasoo ay ka jirtay xaalado biyo la’aan.


Xadhiga Mas’uuliyiintan ayaa shalay dhacay, kadib markii ay u gurmadeen deegaano ay ka jiratay biyo la’aan baahsan oo gaadhay heer ay dad u geeriyoodaan, waxaana dadka la xidhay la sheegay inay kor u dhaafayeen ilaa 15-qof oo isugu jiray Mas’uuliyiin, dad qurba jooga, nabadood iyo wariye u shaqeynayay Idaacada Radio Galgaduud.

Dadka Ciidamada Itoobiya xabsiga u taxaabeen ayaa waxaa ka mid ah Madaxa Amniga degmada Guriceel Muuse Macalin Tashade, Madaxa Arrimaha Bulshada Mursale Maxamed Xeefow iyo Wariye C/qaadir Guure Barre.

Ma jirto ilaa iyo hada wax hadal ah oo ka soo baxay Maamulka Ahlusuna iyo kan degmada Guriceel oo ku aadan xadhiga Mas’uuliyiinta lagula kacay, xilli ay kormeerayeen deeganada ay ka jirtay biyo la’aanta.

 

AFKASHACABKA.COM

 HARGAYSA/OFFICE 

CONTACT@AFKASHACABKA