Jandai Frazer oo ah Kaaliyihii hore ee xoghayaha arrimaha dibada Maraykanka u qaabilsayd Afrika ayaa sheegtay in Somaliland Loo Qiro Qaran Jira

0
Saturday April 26, 2014 - 22:19:49 in by salman abdi
  • Visits: 1009
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jandai Frazer oo ah Kaaliyihii hore ee xoghayaha arrimaha dibada Maraykanka u qaabilsayd Afrika ayaa sheegtay in Somaliland Loo Qiro Qaran Jira

    Jandai Frazer oo BBC-du ka waraysatay waaya-aragnimadda ay ka dhaxashay mudadii ay xilkaasi haysay. Waxaana ay tilmaantay in Somaliland ay kala kulantay wax aanay fileyn.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jandai Frazer oo BBC-du ka waraysatay waaya-aragnimadda ay ka dhaxashay mudadii ay xilkaasi haysay. Waxaana ay tilmaantay in Somaliland ay kala kulantay wax aanay fileyn.


"Madaxweyne Rayaale tiraba saddex jeer ayaanu is aragnay. waxaa la yaab igu noqotay waxaa uu ka sheekeeyay doorashooyin, dimuquraadiyad, nabadgalyo iyo hanaan dawladnimo oo ka hirgalay dalkiisa, waxaanan niyada ku hayay Soomaaliya. Markaas waxaanu isku qancinay in aanu abaabulo sidii aanu Somaliland ugu soo diri lahayn Wefti” Ayay tidhi waxaa ay sheegtay markaas hore in aanay wax badan ka ogeyn xaaladda Somaliland.

Islamarkaana ay u arkaysay goob nabad ah oo Soomaaliya ka mid ah uun. Laakiin, markii danbe ay wax badan ka ogaatay ilaa ay aakhirkii timid 2009-kii. Markaas oo ay la kulantay madaxda Somaliland. "Hargeysa waxaan tagay bishii April ee 2009, waxaana la yaab igu noqotay, nabadgalyada, horumarka, quruxda iyo hamiga dadka ka muuqday. Waxaanu kulanay madaxweyne Rayaale iyo madaxdii Siyaasadda, waxaanan u sheegay waqtigaas in Maraykanku bilaabayo siyaasad laba weji leh.”

"Dadka reer Somaliland iyo dawladooduba waxay qabeen baahi ah in aan bulshadda caalamku ka gaaraabin waxay doonayaan, aniguna dabcan taas waan dareemay. Waxaanan sanadkaasi amray in dib loogu noqdo qaabka Maraykanku u caawiyo Soomaaliya. Iyaddoo la sameeyay hanaankii labada jiho oo aan codsigiisa lahaa.” Sidaas ayay tidhi Jandai oo immika macalimad ka ah Jaamacad Maraykanka ah lana filayo inay noqoto Xoghayaha ama wasiirka arrimaha dibada Maraykan 2016 waa haddii xisbigeedu taladda dalka ku guulaysto.

Frazer waxaa ay sheegtay in Somaliland xaq u leedahay in la dhagaysto. "Qodobka labaad ee axdiga qaramada midoobay ayaa odhanaya cidna laguma qasbi karro wax aanay rabin, markaas waxaanu furnay dariiq u sahlaya in la dhagaysto. Waa dal nabadoon oo suurtagaliyay wax aanay suurtagelin dal Maraykanku ku qarash gareeyo malaayiin doolar. Waxaa la dhagaystay Eratariya iyo Koonfurta Sudaan. Ma garan karo waxaa siyaasad ahaanba hor joogsan karra ummad tidhi 23 sanadoodna la soo taagan anaga ayaa go’aan ka gaadhnay Xoriyaddayada.” Sidaas ayay tidhi Jandai.


Haweenayadan ayaa ahayd masuulkii ugu sareeyay ee Maraykan ah ee soo booqda Somaliland 2009. Waxana hadalkeedani u muuqdaa mid keeni karra dhiiri-gelin dumlamaasiyaddeed. 


Afkashacabka.com

 Hargaysa/Office

 Contact@afkashacabka.com