Koonfur Afrika Oo Manta Laga Xusayo Sanad Guuradii 20.Naad Ee ka Sowareegtay Xiligii Midab kalsoca

0
Sunday April 27, 2014 - 08:16:30 in by salman abdi
  • Visits: 721
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Koonfur Afrika Oo Manta Laga Xusayo Sanad Guuradii 20.Naad Ee ka Sowareegtay Xiligii Midab kalsoca

    labaatan sano ayaa laga joogaa maanta, kadib markii, waddanka Koonfur Afrika malaayiin faraxsan ucodeeyeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

labaatan sano ayaa laga joogaa maanta, kadib markii, waddanka Koonfur Afrika malaayiin faraxsan ucodeeyeen

 in ay soo afjaraan boqollaal sano oo midab kala sooc iyo dad xagjira ay haysteen maamulka dalka, Waxanay xilka u doorteen Nelson Mandela iyo xisbigiisa ANC.


Xafladda loogu dabaaldagayo waxa ay saaka kabilaaban doontaa caasimada Prettoria. Halkaas oo ay ay isugu soo bixidoonaan dad doonaya in mudnaan gooni ah lasiiyo isbadalkii labaatansano kahor dhacay

Waxaa lagu furi doonaa ducooyin ay soo jeedin doonaan hogaamiyeyaasha diimaha waawayn ee dalka Koofur Afrika.

Madaxwayne Jocob Zuma oo ah madaxwaynihii saddexaad ee badala madaxwaynihii aas aasay ee Nelson Mandela oo ay weheliyaan kumanaan kale waxaa lagu maaweelin doonaa heesaha dhaqanka oo ay soojeedin doonaan bulshooyinka kala duwan ee reer Koonfur Africa oo ay kujiraan bulshada Afrikaan ka loo yaqaano kuwaas oo awood kulahaa halgankii dheeraa ee dalkaasi kadhigay wadanka uu aduunku u yaqaano qaran ka qaansa-roobaad ka.

Dabaaldagani waxaa uu imaanayaa iyada oo wax toban maalmood ka yar ay inaga xigto wakhtiga laqabanayo doorashada guud ee dalka Koofur Afrika.

Inkasta oo doorashadani ayna lamid noqon doonin tii labaatan sano kahor dhacday oo kale. Hadana ANC ayaa awoodda haysa tan iyo sanadkii 1994-kii.

Waxayna wajahayaan caqabado aiyaga oo iskudayaya inay wax ka qabtaan shaqo la’aanta, saboolnimada iyo sinaansho la’aanta kuwaas oo wadanka ragaadiyay kadib tani iyo waqtigii midab kala sooca.

Inkastoo aan sidii waagii xoriyada loo arag hadana maanta waxaa lagu baaqayaa in la xalliyo dhibaatooyiinkaasi, waxayna su’aal ka taagan tahay sababta dhibaatooyinkaasi wali bulshada dhexdooda looga helayo iyo sida loo wajihi karo.



Afkashacabka.com
Hargaysa/Office
contact@afkashacabka.com