Wasaaradda Arrimaha Dibadda Oo Ka Hadashay Dublamaasiyiin Hargeysa U Yimid Furitaanka Safaaraddii Kenya

0
Sunday April 27, 2014 - 19:44:32 in by salman abdi
  • Visits: 814
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Oo Ka Hadashay Dublamaasiyiin Hargeysa U Yimid Furitaanka Safaaraddii Kenya

    Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland iyo iskaashiga caalamiga ah, ayaa ka hadashay diblumaasiyiin reer Kenya ah oo Hargeysa u yimid inay indho-idheeyaan xaladda ammaanka ee caasimadda Hargeysa, si markaasi ay Kenya uga furato Safaaraddeedii.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland iyo iskaashiga caalamiga ah, ayaa ka hadashay diblumaasiyiin reer Kenya ah oo Hargeysa u yimid inay indho-idheeyaan xaladda ammaanka ee caasimadda Hargeysa, si markaasi ay Kenya uga furato Safaaraddeedii.

War-saxaafadeed uu maanta soo saaray Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Somaliiland, ayaa lagu yidhi sidan "Guddidii farsamo ee Kenya ee uu wehelinayay wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya Md. Maxamuud Jaamac ee Arbacdii 23-kii April dalka yimi, ayaa shalay 26-kii April dalka ka amba baxay. Guddidu waxay ka koobnaayeen afar ruux, iyadoo ujeedada socdaalkooduna ahayd inay qiimayn ku sameeyaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah aasaaska safaarada Kenya ee Somaliland.

Guddidii farsamo ee Kenya waxay booqasho ku tegeen Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland opo uu ku soo dhoweeyay wasiir-ku-xigeenka Md. Mawliid Maxamuud. Muddadii ay Somaliland joogeena wasaaraddu waxay siisay taageero iyo tilmaamid.

Guddidu waxay urursadeen dhammaan macluumaadkii ay u baahnaayeen, iyagoo ku qancay dhammaan waxyaabihii ay arkeen.

Booqashada Guddidu waxay daba socotay heshiis hore u dhex-maray Somaliland iyo Kenya, kaasoo labada dawladood hore ugu heshiiyeen bilaabitaan xidhiidh Diblomaasiyadeed. Hordhac waxay u noqon doontaa in Safaaradda Somaliland ee Kenya noqoto qayb ka mid ah xidhiidh iskaashi ee Kenya.

Weftigu waxa uu la kulmay shaqaalaha Kenya ee Somaliland ka shaqeeya. Abuuritaanka xidhiidhkan waxa uu balaadhin doona iskaashiga dhaqaaale iyo midka farsamo ee laba dawladood.


Kenya waxay ka mid tahay xubnaha ugu muhiimsan urur goboleedka IGAD, sidoo kalena waa cudud dhaqaale, sidaa darteed waxa muhiim ah inaynu la yeelano xidhiidh 


Afkashacabka.com

 Hargaysa/Office

 Contact@afkashacabka.com