Somaliya oo Jojinaysa Qaadka iyo Dhibtiisa

0
Sunday April 27, 2014 - 19:53:52 in by salman abdi
  • Visits: 987
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliya oo Jojinaysa Qaadka iyo Dhibtiisa

    Baarlamaanka waddanka Somaliya ayaa ku hawlan hirgelinta mooshin ay ku dalbanayaan in la mamnuuco in jaadka Mirooga ee Kenya u iib-geyso dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baarlamaanka waddanka Somaliya ayaa ku hawlan hirgelinta mooshin ay ku dalbanayaan in la mamnuuco in jaadka Mirooga ee Kenya u iib-geyso dalka Soomaaliya.

Wargeyska The STAR oo ka soo baxa waddanka Kenya ayaa baahiyay in mid ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya uu diyaariyay mooshinkaas, kaas oo uu u helay taageero badan, waxaana la sheegay inuu kaga jawaabayo tacadiga ay dawladda Kenya kula kacday dadka Somalida ah ee waddankeeda qaxoonti ahaan u jooga.

Xildhibaankan oo uu Wargeysku ka cudur daartay inuu magaciisa baahiyo, waxay sheegeen inuu degenyahay magaalada Nayrobi ee waddanka Kenya, halkaas oo hoy u ah inta badan siyaasiyiinta Somaliya "Somaliya waa inay Kenya u tixgelisaa waddan uu xidhiidh ganacsai ka dhexeeyo oo muwadinteeda la tixgeliyaa.” Ayuu xildhibaanku u sheegay Wargeyska baahiyey war-bixintan.

Tallaabadan ayaa haddii ay Baarlamaanka Somaliya ansixiyaan waxa ay dhaawici doontaa dhaqaalaha Kenya oo uu wadanka Ingiriisku hore u joojiyay jaadkii ay u diri jireen.


Sidoo kale wuxuu dhaawici doonaa xidhiidhka labada waddan ee Kenya iyo Somaliya. Waxa ay Kenya sannadkii Somaliya gaysaa saddex milyan oo Kiiloogiraam oo qaadkaas ah, kaas oo ugu fadhiya qiimo weyn.

AFKASHACABKA.COM
hARGAYSA/OFFICE
CONTACT@AFKASHACABKA.COM